Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

Radio Ergo by Radio Ergo
November 13, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Beeralayda yar yar ee Garowe ayaa tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka beerahooda bishii Agoosto ee 2018,  tanoo uga qarash jaban matooradii oo lacag badan uga baxaysay, sidoo kalena haqab beelka biyaha ay uga wanaagsan tahay. Waxay arrintaani u keentay  inay qotaan ceelal dhaadheer oo ay kala soo baxaan biyaha waraabka, taas oo meesha ka saartay dhaqaale xoog leh oo ay bil walba ku bixin jireen shidaalka matooradda iyo haqab beelka biyaha.

Cabdulqaadir Abshir Nuur wuxuu madax u yahay afar qof oo ku shirkoobay Beer 13 hiktar ah, oo ay ku leeyihiinh deegaanka 22aad oo ka mid ah iskaashatadda Jibagalle ee Garowe, wuxuuna qoday ceel dhererkiisu yahay 100 mitir, uuna uga nastay matoor usaarnaa jiray ceel gacmeed biyaha uu soo saaraa yarayd, hadda beertiisu waxayheshaa waraab ku filan iyo xiligeeda tan iyo intuu adeegaan cusub hir geliyey.

“Ceelka biyihiisa waa gurayeen, awoodda matoorkana waa yarayd. Laba tuubo looma kala qaybin kari jirin” ayuu yiri Abshir.

Tamarta cadceedda ayaa u shaqaynaysa makiinado solaro ah oo dabka siinaya daynabo kaydinaysa korantada, taasoo iyana dabka sii siinaysa bamka biyahga ceelka ka soo tuuraya oo awood weyn, waxaana daynabadaan hadda ku xiran saddex tuubo oo beerta waraabka siiya, iyadoo wakhti dheer ay daynabada cadceedu shidnaan karto oo aysan jirin kharash shidaal oo kugu socdo, iyagoona ku daray saddex higtar oo dhul cusub ah oo ay ku beeraan khudaar iyo digir, kaasoo aysan horay ugu helayn waraab. Halka matoorku uu hal tuubo keliya wax ku waraabinayey, wakhti badanna u baahnaa inuu shidnaado.

Cabdulqaadir wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in xilliyada beerashada ay bishiiba $500  lacag ka badani uga bixi jirtay shidaal iyo olyada matoorka iyadoo beertu aysan biyo ku filan helayn. Isagoo hadda maalin gelinta hanaankaan kaga baxday ay tahay 25,000 oo dollar oo hal mar ah, taasoo uu ku saaray 100 xabo oo makiinada solarka ah, daynabada iyo bumka biyaha soo tuura, wax kharash ah oo danbena aysan uga baahnayn.

Cabdulqaadir ayaa sheegay inay soo saaraan qudaar kala duwan, midho iyo cunto loo iib geeyo magaalada Garoowe.

“Wax in badan ka wanaasan weeye hanaankaan waraabka ee solarka. Wax kharash danbe ahi kaaga bixi maayo, haddii aan cilad Rabaani ah isaga dhicin ama dhalada solarku jabin. Farqiga u dhexeeya wuxuu yahay markasta kharash joogto kaaga baxaya ayaad ka nasanaysaa,” ayuu Abshir

Adkaysiga iyo cimriga soolarka ayaa ah mid shaqayn kara 30 sano, haddii la dhaqaaleeyo, siduu Raadiyow Ergo u sheegay Samatar Cumar oo madax u ah shirkadda Tamarta Is-cusboonaysiisa ee SECCCO, shirkadaan oo hanaanka soolarka u rakibta beeralayda.

Waxaa iskaashatadda Beeraha Jibagalle u sheegeen Raadiyo Ergo in 140 beero yar yari ay deegaankaas ku yaalliin. Ilaa 14 ah ayaa labadii sano ee u dambeeyay u guuray ka faa’iidaysiga tamarta solarka, waxaana middiiba ku sii tiirsan 2 ilaa 5 beerood oo kale oo ay si bilaash ah ku siiyaan biyaha.  Xasan Yuusuf Kaarshe oo ah guddoomiye ku xigeenka Iskaashatada, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in haqab-beelka biyuhu uu kordhinayo wax soo saarka

“Faa’iido ay keeneen solarku waa biyo badan oo la helay, taasoo kordhisay cadadkii beeraha la beerayey in sanadkoo dhan afarta xiliba wax la beero” ayuu yiri Yusuf

Beeralaydu waxay lacag dayn ah ka sii qaataan bankiyada. Waxay saddexdii biloodba mar dib ugu celiyaan qayb ka mid ah lacagta, ilaa ay ka dayn baxaan, qaar kalena waxay maalgelin ka heleen hay’adda SHURAAKO oo ah shirkad ajenibi ah oo taageerta ganacsiyadda yar yar ee Soomaalidda taas oo beeralayda u maalgelisa kaabayaal wax soo saar, iyadoo aan dulsaar ka rabin.

Nadiifo Yusuf Jama oo 23 sano beer qudaareed Saddex Hiktar ah ku lahayd Jibagalle, hooyada qoys ka kooban 11 qof, waxay Radio Ergo u sheegtay in Afartii sano ee u dambeeyay ay bixinaysay $36,000  oo ah dayn ay ku lahayd Shuraako, taas oo ay ceelka ku wada qoteen iyada iyo saddex beerood oo kale.

Ma awoodo in ay wada abuurto beerteeda saddexda hiktar shidaalka oo aysan awoodin darteed. Hadda Iyada iyo Iskaashatadeedu waxay doonayaan in ay tamarta ka faa’iidaystaan, waxayna sheegtay Radio Ergo in bil walba lacagta shidaalka uga baxda oo ka badan $200 ay ku bixin doonto dayn celinta Soolarka ay dalbatay, kaas oo ku kacaya in ka badan $10,000 U

“Matoorka shidaalkiisu waa nagu qaali, halkii tanag oo shidaal ah maalin baan ku cabaa, shidaalkii wuxuu kaa go’ayaa iyadoon beertii wada cabin, lacag aad shidaal ku doonto ama Garoowe inaad u doonto oo masaafo kale ah, bishii $300 ayaa nooga baxaysay, haddase waa ka nastay dhibkaas” ayay tiri Nadiifo.

Cabdulqaadir Abshir wuxuu sheegay beeralaydu dhul badan ku fidinayaan beerashada, tanoo ay u sahashay hanaankaan waraabka tamarta cadceedda.

Beeralayda Puntland ayaa baahida ugu badan ee ay qabaan tahay biyaha, iyagoo ku tiirsan waraab ay ka helaan ceelal ay gacanta uga qodaan togagga biyaha soo maraan, haddii uusan roob di’inna qalala.

Cabdiraxmaan M Xaaji

 

 

Previous Post

Hargeysa: Dhakhaatiir guryaha ugu taga bukaanada oo ku daaweeya

Next Post

Garoowe: Beeralay ka faa’idaysana habka waraabka ee Soolarka

Related Posts

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
Next Post
Garoowe: Beeralayda Jibagaale oo tamarta cadceedda uga faa’iidaysanaya waraabka

Garoowe: Beeralay ka faa'idaysana habka waraabka ee Soolarka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-JUN-2026

IDAACADDA 02-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo