Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay deegaanno ka tirsan Hiiraan oo gaaray Jalalaqsi

Radio Ergo by Radio Ergo
October 16, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadkii laga burburiyay xeryaha KM 13 oo weli bannaanka daadsan

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

In ka badan kun qoys oo ka barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa toddobaadkan gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qoysaskan oo isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato oo barakacoodu yimid xilli ay u diyaar-garoobayeen in ay beertaan beerahooda xilli roobaadka Deyrta ayaa ka barakacay cabsi ay ka qabaan in deegaanadooda ay ku dagaallamaan ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Cabsida dadkan ayaa la xiriirto dagaallo ka dhalan karo is-ballaarin ay 10 kii maalmood ee u dambeeyey ka wadeen deegaannadooda ciidamada dowladd iyo kuwa AMISOM, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur.

Deegaannada ugu badan ee ay dadku ka bararakceen waa Buur-weyn, Biyo-neef iyo Jimbiley oo dhammaantood hoostaga Jalalaqsi. Deegaanka Buur-weyn oo keliya waxaa ka soo barakacay 650 qoys, halka 450 kale ee qoys ay ka soo barakaceen Biyo-neef iyo Jimbiley.

Axmed Abiikar Xasan waa aabaha afar carruur ah, isaga iyo qoyskiisa waxay ka soo barakaceen Buur-weyn oo 38Km koonfur kaga beegan degmada Jalalaqsi.  Waxay lixdii bishan Octobar yimaadeen Jalalaqsi. Hadda waxay qoyskiisu dulsaar ku yihiin dad ay ehel yihiin oo Jalalaqsi deggan, oo ay wixii  karsadaan oo raashin ah ay la cunaan.

Waxaa uu sheegayaa in marka la fiiriyo noloshii ay ku noolaayeen intii ay Jalalaqsi joogeen ay ka duwan tahay. Wuxuu ka cabanayaan in hoyga uu ka xun yahay oo isaga iyo carruurtiisa aysan heysan hoy ku filan oo ay seexdaan. Dhinaca cunnada waxay hadda qoyskiisu awoodaan in ay helaan hal waqti oo kamid ah saddexda mar ee wax la karsada.

Axmed waa beeraley muddo 20 sano ah beer ku lahaa Jalalaqsi, waxaa uu soo barakacay xilli uu isku diyaarinayay in beertiisa uu abuurto maaddaamaa uu curtay roobkii Deyrta. Gaari dameer ayay qoyskiisu ku yimaadeen Jalalaqsi oo carruurtiisu ay soo raaceen, wuxuu ku soo kireystay lacag $10.

Xirfad kale oo uu ku shaqeysto ma yaqaanno, wuxuu ka walwalsan yahay xaaladda qoyskiisa iyo sida uu u dabari doono.

“Wixii aan beeraha ka helno ayaan ku nooleyn oo aan cuni jirnay. Nolosheena waan heli jirnay. Qofka marka uu meel deggan yahay noloshiisa waa uu maareynayaa. Ma aanan qadi jirin oo Illaahay ayaa meel wax naga soo gelinayey, laakiin markaas barakacdid dhibaato badan ayaad la kulmeysaa. Waad fekireysaa oo noloshii wixii daruuriyaadka u ahaa ayaad weyneysaa”, ayuu yiri Axmed.

Ma jiro wax gargaar ah oo ay heleen dadka ku soo barakacay Jalalaqsi. Waxay dadka isugu jiraan qaar oo intooda badan ay yihiin dad ehelladooda ku nool Jalalaqsu ku soo kor degay iyo kuwa si gooni ah meelo magaalada kamid ah u degay, oo ka dhistay guryo cooshado ah, hase yeeshee aan ka maarneyn in ay taageero ka heleen qaraabadooda ku nool meelo ka baxsan Jalalaqsi.

Guddoomiyaha maamulka Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur ayaa sheegay in waxa keliya ee ay dadkan ku caawiyaan ay tahay biyo dhaamin ay u sameeyeen,iyaguna aysan laheyn awood ay gurmad kale ku gaarsiin karaan.

Waxaa kamid ah qoysaska ka soo barakacay Biyo-neef Kaltuumo Cabdullaahi Cali iyo shan carruur ah oo ay dhashay oo agoon ah oo Jalalaqsi yimid 8-dii bishan.

Waxay soo qaateen gaari-dameer si ay Jalalaqsi u soo gaaraan. Waxay la deggan yihiin hadda qoys kale oo ay ehel yihiin oo ay wax la cunaan.

Kaltuumo ayaa carruurteeda ka maareyn jirtay wax soo saarka beer ay ku leedahay Biyo-neef oo ay bishii July uga soo go’een dalagyo isugu jira galley iyo digir. Qeyb kamid ah raashinka beerta ka soo go’ay oo ay carruurta u karin jirtay ayay gurigeeda uga soo tagtay.

Inkastoo badi dadka ka soo soo barakacay deegaannada Jalalaqsi hoostaga ay beeraley yihiin haddana waxaa jira dad kale oo noloshoosu ku tiirsaneyd shaqooyin ay qaban jireen, waxaa kami dah Cabdullaahi Xaaji Cali, waa aabaha qoys ka kooban shan qof. Waxay qoyskiisu ka soo barakaceen Buur-weyn 10-kii bishan.

Xubnaha qoyskiisa iyo 30 qof oo kale ehelkiisa  oo ay iskala soo barakaceen Buur-weyn waxay ku soo kor degeen qoys kale oo qaraabadooda kamid ah oo Jalalaqsi ku nool. Hal

Cabdullaahi Xaaji Cali wuxuu nolosha qoyskiisa ka maareyn jiray intii ay deganaayeen  Buur-weyn shaqo macallinimo, isagoo wax ka dhigayay dugsiga hoose/dhexe ee deegaanka, wuxuuna dhigi jiray maaddooyinka Ingiriiska iyo xisaabta.

Sabab kale oo isaga si gaar ah ugu qasabtay in uu soo barakaco Buur-weyn marka laga tago xaaladda guud ee barakaca sababtay ayaa ah in iskuulladii deegaanka ku yaallay ay wada xirmeen oo ardaydii dhiganeysayna ay qoysaskooda la barakaceen.

“Wax iskuul ah oo hadda shaqeynayo malahan. Dhaqdhaqaaqa jira malahan, ardaydii dhameyd oo dhiganeysay way ka barakaceen, waad fahmi kartaa. Wax jooga maba lahan,” ayuu yiri Cabdullahi.

Qoysaska ka soo barakacay deegaannada waxay rajeynayaan in haddii ay xaaladdu caadi ku soo noqota ay guryahooda ku laabtaan si ay beerahooda u abuurtaan oo ay noloshooda dib ugu soo saartaa.

Previous Post

Bari: Beeraley ka cabanaya garanwaa qabsaday dhul beereedka Isku-shuban

Next Post

Bari: 140 beer oo uu ka baxay geedka garanwaaga oo dalagyadii aysan soo bixin

Related Posts

Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

October 7, 2025
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

October 6, 2025
Cudur iyo daaq la’aan cayrteeyay xoolo-dhaqato reer-miyi ku nool Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Cudur iyo daaq la’aan cayrteeyay xoolo-dhaqato reer-miyi ku nool Galgaduud

October 3, 2025
Qoysas ka barakacay colaad oo cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ka barakacay colaad oo cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya Afgooye

October 1, 2025
Wararkii u Danbeeyay

Cunno xumo ka dhalatay shaqo la’aan haysa haween qaxooti ku ah Dhadhaab

September 30, 2025
Next Post
Bari: 140 beer oo uu ka baxay geedka garanwaaga oo dalagyadii aysan soo bixin

Bari: 140 beer oo uu ka baxay geedka garanwaaga oo dalagyadii aysan soo bixin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2025

IDAACADDA 08-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2025
October 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2025
October 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2025
October 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2025
October 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2025
October 4, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo