(ERGO) – Taabit Cali Axmed iyo Isxaaq Maxamed Aadan waa walaalo dhinaca hooyada ah, waxay ku soo noqdeen Muqdisho Bishii Octoobar sanadkii 2016-kii, iyagoo ka yimid waddanka Yemen oo labo iyo tobon sano ay qaxooti ku ahaayeen. Waxay ka mid noqdeen dadkii laga soo celiyay dalkaas markii dagallaada ay ka dhaceen, kadibna maraakiib si mutadaawcnimo ah loogu soo daad gureeyay Soomaalida.
Farsamo gaar ah oo ay isticmaalaan ayaa keentay inay sameeyaan alaabooyinka guryaha ee laga isticmaalo wadamada carabaha. Waxay sameeyaan alaabo Baydhabo looga yaqaanno “Alaabaha Walaalaha” oo looga dalbado aroosyada, guryaha iyo hoteelada.
Isxaaq oo mashiin yar oo kuwa alaabta isku dhijiya gacanta ku haya, kuna jira shaqo ayaa Raadiyo Ergo ku booqatay xarrunta ay ku shaqeeyaan, waxaana uu sheegay in aysan haysan lacag ay markaas ku howl gali kareen hase yeeshee ay $1500 ka deynsadeen nin ganacsade ah oo ay is-yaqaaneen islamarkaana ay ku iibsadeen qalab, kiradana isaga bixiyeen halka ay dagayeen.
Fursadaan shaqo ee Baydhabo ay ka bilaabeen waxay shaqo abuur u noqotay dhalinyaro kale oo isugu jira dan yar iyo barakacayaal. Waxay tababarro u sameeyeen mudadaas sanadka ah ee ay Baydhabo ka shaqeynayeen 70 dhallinyaro ah oo aan xirfad iyo shaqo lahayn sida uu raadiyo Ergo u sheegayo Taabit Cali Axmed oo ah walaalaha midka weyn.
“Dhalinyarada saddex bil ayey si lacag laáab ah noola shaqeeyaan waxaan siinnaaa tabababar ku aadan habka loo sameeyo alaabooyinka, sidoo kale qorista alwaaxa, samaynta kuraasta iyo miisaska ayaan iyana barnaa”, Ayuu yiri Taabit.
Wuxuu sheegay in hadda toban dhallinyaro ah oo ay tababareen ay u shaqeeyaan midkiibana ay siiyaan $150, waxaana dhalinyaradaas labo ka tirsan ay kasoo shaqo tagaan xeryaha dadka baracay ee Baydhabo. Taabid ayaa intaas ku daray in hadda ay tababar xarunta u joogaan sideed ruux oo ay baraan, si ay ugu shaqaystaan haddii ay shaqooyin helaan.
Isxaaq waa 24 jir leh afar carruur ah, halka Taabit yahay 39 leh sagaal carruur ah, waxay bishii July sanadkii 2017 ayay magaalada Baydhabo u tageen samaynta alaabaha guryaha oo dad markaas u baahnaa ay la heshiiyeen waqti gaaban taas oo keentay inay ku fakaraan in baahida magaalada ka jirtay ay iyagu dabooli karaan.
Walaalahani intii ay ku ahaayeen qaxootiga dalka Yemen waxay ku noolaayeen magaalada Cadan, iyagoona qoyska noloshiisa ay ku tiirsanayd khidmado yar oo ay ka soo helaan dhaqista gawaarida iyo xoogsi ay u tagaan gudaha magaalada.
Inta aysan farsamada baran ee ay Cadan joogneen wuxuu Taabid ka shaqayn jiray maqaaxi uu kabaryeeri ka ahaa, bishii waxaa la siinayay $50, halka walaalkii Isxaaq uu gawaarida ku dhaqi jiray waddooyinka Cadan.
Taabid ayaa sheegay in iyagoo shaqadaas wata ay galabtii heleen goob alaabta lagu sameeyo oo ku taalla Cadan, ayna si bilaash ah ugu shaqaynayeen si ay uga bartaan xirfadda, tababarkaas ayay billaabeen 2012-kii waxaa labo sano ku qaadatay inay farsamada bartaan.
Taabit hadda toddobo ka mid ah carruurtiisa ayuu geystay waxbarasho uu kaga bixiyo 70 dollar, isagoo qoyskiisuna u deggan yahay guri uu ku kiraystay $200.Wuxuu sheegay oo kale muddadii sanadka ahayd inay horumarin ku sameeyeen goobtooda shaqada ay soo iibsadeen qalab isugu jira matooro, qalabka howsha ku qabtaan oo noocyo badan ah kharash ahaana ugu kacday 17 ilaa 18 kun oo doolarka Maraykanka ah.