Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Boorama: Haween laga daweeyay isku-furan sanado ay la noolaayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 22, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Boorama: Haween laga daweeyay isku-furan sanado ay la noolaayeen

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Khadra Ibraahim Axmed waxay ku faraxsan tahay 14 sano kaddib inay markii ugu horreysay ka soo tooseyso gogol nadiif ah. Waxaa nolasheeda baddelay qalliin guuleystay oo bishaan Juun looga daaweeyey isku-furan.

Hadda waxay qabtaa rajo fiican oo ah inay la noolaan karto dadka oo marki hore aysan suurgal u ahayn inay guri kula noolaato maadaama aysan ceshan karin kaadida.

“Reerkii aan ku soo booqdo gurigooda oo ehelka ah gogasha ayaan kula seexan karaa oo kula fariisan karaa, baabuurta ayana caadi u raaci karaa, oo masaajidadii ayaan salaadda ku tukan karaa, xafladaha ayaan ka qayb geli karaa sida aroosyada, kulammada bulashda”, ayay tiri.

Khadra oo qalliinka lagu sameeyay 15 maalin ka hor ayaa sheegtay in cudurkan uu u geystay dhibaatooyin badan oo nolasheeda saameeyay kuna xiray guri. Waxay ka takoornayd saaxiibadeed iyo ehelkeeda. Sidoo kale waxay isugu aragtay inay ahady qof faceed ka hartay.

“Asaxaabtii markaan anigii ka hadhay oo xanuun daraadeed uga hadhay, oo qof bukaan ah noqday, qof aan maanta wada jirnaana maleh, qof mar mar iyo dhif i soo waca oo aan hantina ka helin balse aan war kala helnaa waa jiraa balse waxba ima taraan” ayay tiri.

Haween ay asxaab yihiin oo xanuunkan laga soo daaweeyay oo ay la kulantay ayay ka heshay warbixinta ah in ay jirto xarun lagu daawaynayo xanuunkeeda, waxaana ay la xiriirtay dhakhtar u fadhiya Xaruntan iskufuranka ee Boorama magaalada Boosaaso, kaasi oo ku daray koox haween ah oo la isku ururiyay oo hal mar hay’adda Fistula Foundation soo qaaday waxana ay khadra ka mid ahayd haween ay tiradoodu dhan tahay 105 oo qaliino isku furanka ah loo sameeyay.

Agaasimaha Cisbitaalka Heer Qaran ee iskufuranka Boorama Axmed Isiris Nuur oo faahfaafinaya hawlgalkan iyo meelaha ay ka yimaadeen haweenkani waxa uu yidhi

“105ta haween ah ee lagu daaweeyay cisbitaalka iskufuranka ee magaalada Boorama ayaa 68 ka mid ah oo la daaweeyay intii u dhaxaysay 5-tii ilaa 15-Juun 2018 ay caawimo ka heleen Hayada Fistula Foundation, halka 37 kale ay taageertay hayadda World Vision iyo wasaarada caafimaadka Somaliland, haweenkaas waxay ka yimaadeen Soomaaliya, gaar ahaan 28 ka mid ah waxay ka yimaad Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho, Caabudwaaq iyo Baardheere, halka 77 kalena ay ka yimaadeen Puntland iyo Somaliland, Gaar ahaan Burco, Ceerigaabo, Laascaanood Boosaase iyo deegaanno kale”

Khadro ayaa sheegtay in muddo 3 maalmood ah oo ay ku foolanaysay guri ay sababtay in ay fooshu ku adkaato, markii la geeyay goob caafimaadna  si khasab ah ay ku foolatay cunug mayd ah, waxaana ay tilmaantay in kaadi haysta ay dilaacday oo ay awoodi wayday inay celiso kaadida.

Sanado badan ayay tagaysay isbitaallo iyada oo taageero maaliyadeed ka helaysa seygeeda, waxayna dhowr jeer isbitaallo u tagtay magaalooyinka Adisaba, Muqdisho iyo Boosaaso laguna sameeyay qaliino aan guulaysan. Sanadkii 2012 oo ahayd sanadkii 7-aad ee ay xanuunkeeda daawo u raadinaysay kuna guuldaraysatay in wax laga qabto kaddib waxaa dumay qoyskeedii.

“Ninkii waan kala tagnay 7 sano nabarkan markaan qabay, oon dhakhaatiir soo maray oo ay waxba ii soo hagaagi waayeen, oo dhibtii aan qabo ninkii waan kala tagnay arinta noocan ah iyo cidhiidhiga kana waan ku kala tagnay”, ayay tiri.

Marka laga soo tago saameynta qof ahaaneed iyo qoys, waxaa sidoo kale meesha ka baxay ganacsigeedi oo ahaa tukaan ay ku lahayd magaalada Boosaaso oo ay ka soo saari jirtay biilka.

“Lacagti way  dhammaatay oo waan cunay, nooli baan ka dhigtay, oo naftayda ayaan daawo ugu raadiyay si aan uga daawoobo xannuunkan, markay taydii dhammaatay ehelkeyga oo ay hooyada ugu horreyso ayaa I caawin jiray oo bishi 40 doollar isiin jiray oo aan ku gato xafaayadda iyo labiska” ayay tiri Khadra.

Adeegyo caafimaad oo kala duwan ayaa loo qabtaa haweenku marka ay yimaadaan xaruntan, waxaana Dr. Nasra Ibraahim Saciid oo haweenkan badidooda qaliinadan ku samaysay ay sheegtay in xanuunkan yahay mid ku dhaca haweenka xilliga foosha oo dheeraata ama ilamaha xoog ku soo baxa. Waxay tilmaantay in inta badan ay isku furmaan kaadida iyo halka ilmuhu soo marayo. Waxaa sidoo kale isku furma saxada iyo kaadida.

“Adeegyada loo qabto oo kala ah jiifka, cuntada, daawada, qaliinnada iyo haddii uu jiro bukaan u baahda adeeg dheeraad ah  oo la siiyo waa bilaash, hooyooyinka qaar waxa soo raaca qof isaguba xanuunsan oo daawayn u baahan markaa isagana waan daawaynaa” ayay tiri Dr. Nasra.

Maaha intan oo keliya balse bahda caafimaadku waxay dareensan tahay inay weli jiraan haween qaba xanuunkan Isku-furanka oo aan weli soo gaarin goobaha caafimaadka, waxaana Drs. Nasra oo talooyin guud iyo kuwo caafimaadba u diraysa haweenkaas ay tiri.

“Hooyooyinka waxaan u sheegayaa inaysan cabsan oo ay tagaan goobaha caafimaadka ee ay heli karaan si wax looga qabto xanuunkan haya, islamarkaana ay ku dhalaan cisbitaallada oo ay joojiyaan guryaha ay ku umulayaan”

Si kastaba ha ahaatee xaruntan caafimaad ayaa waxa ay maalin walba daawaysaa ama qalliino u samaysaa bukaanada soo gaara, waxana intan dheer ol’ole ay sanadkiiba 2 goor samayso oo raxan-raxan haween ah laga keeno meelo kala duwan oo dalka ah daawayna lagu sameeyo.

 

Previous Post

Boorama: Haween ka faa’iideystay daweyn bilaash ah ee xanuunka isku-furanka

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

December 10, 2025
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 8, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 7, 2025
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
Next Post

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-DEC-2025

IDAACADDA 10-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-DEC-2025
December 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-DEC-2025
December 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo