Isbitaalka guud ee magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa in dawadii uu siin jiray bukaanada u yimaada ay labadii bilood ee la soo dhaafay gabaabsi ku ahaayeen. Arrintan ayaa timi kaddib markii ay istaagtay kaalmo uu isbitaalku heli jiray, si dadka u yimaada uu daawo iyo cuno bilaash ah u siiyo. Dhibaatada ugu badan ayaa soo gaartay dadka danyarta ah ee magaalada ku dhaqan iyo sidoo kale xoolo-dhaqatada deegaanka oo hadda dawada ay u u baahan yihiin ka iibsada suuqa halka markii hore ay bilaash ku heli jireen.
Cabdirisaaq Xirsi Maxamed (Haajirow) ayaa warbixintan Dhuusamareeb innooga soo diray.