Dhaqamada Soomaalida waxaa ka mid ah in xilliyada barwaaqada ay dhallinyaradu cayaar habeen ah isugu tagaan, oo ay cayaaraan iyaga oo koox koox ah. Dhaqankaas cayaaraha weli wuxuu ka jiraa qeybo ka mid ah dhulalka miyiga ee Soomaalidu degto.
Weriyaha Ergo ee Burco, Sidiiq Yuusuf Khalaf ayaa cayaarahaas iyo suugaanta laga tiriyaba ka wareystay Xuseen Xaaji Axed Raage, oo ah oday 80 jir ah oo ku nool burco.