Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ee ku yaalla magaalada Muqdisho wuxuu kamid yahay xarumaha caafimaad ee lagu daweeyo carrururta, waxaana si maalinle ah ay u qaabilaan kiisaska kala duwan ee carruurta sida kuwa jadeecada qaba, nafaqa darrada, shubanka iyo xaalad kasta oo ilmaha iyo hooyada la soo darisa .
Labadii Toddobaad ee u dambaysay waxaa isbitaalka la seexiyay 88 carruur oo nafaqo darro baahsan ay hayso , kuwaas oo u badan dadka ku jira xeryaha lagu barakacay ee Muqdisho iyo kuwo gobollada shabellooyinka laga keenay.
8 kamid ah carruurtaas ayaa isbitaalka ku geeriyootay, kuwaas oo marka la keenayay xaaladdoodu aad u darnayd sida ay Ergo u xaqiijisay Drs Luul Maxamuud Maxamed Madaxa qeybta carruurta ee Isbitaalka Banaadir. Weriyaha Ergo ee Muqdisho Munasar Maxamed Cabdi oo Luul la kulmay ayaa ka wareystay xaaladda la xiriirta nafaqa darrada carruurta ee xilligan.