(ERGO) – Konton iyo kow qof ayaa hadda cudurka jadeecada u jiifa deegaanka Yadagta oo qiyaastii dhanka Waqooyi 120 km kaga beegan magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Dadka oo isugu jira carruur iyo waayeel ayaa lagu hayaa guryaha maadaama aan deegaanku lahayn xarun caafimaad.
Dr Muuse Abokor Suudi isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland u qaabilsan gobolka Saraar oo horay u ahayd Waqooyiga gobolka Sool, ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay xanuunka ayaa la xaqiijiyay kadib markii koox dhakhaatiir ah oo ka socota wasaaradda caafimaadka Somaliland ay saddexdii bishan baaritaanno, daawayn iyo tallaal ku sameeyeen bukaanka. Maamulka tuulada ayaa wasaaradda ku wargeliyay jiritaanka cudurka Jadeecada.
Soddon iyo afar ka tirsan waa carruur aan horay u qaadan tallaalka deegaannadaas laga sameeyay labadii sano ee u danbeeyey oo si fiican u wada gaarin deegannada miyiga ah ee ay dadkaas ka yimaadeen. 18 qof oo ka mid ah dadka cudurka la jiifa ayaa ka soo jeeda qoysas lixdii bilood ee lasoo dhaafay yimi tuulada kuwaas oo kasoo barakacay abaaro deegaannadaas ka jiray labadii sano ee lasoo dhaafay.
Maxamed Warsame Cabdi, labo toddobaad ka hor ayaa labo ka tirsan carruurtiisa oo lix ah oo kala ah 7 jir iyo 3 jir waxaa uga dhacay jadeecada sida ay u sheegeen kooxda caafimaadka oo baaritaan ku sameeyey. Ninkan oo ku cayrtoobay abaarta wuxuu Ergo u sheegay inaanu heli karin $30 oo ah kharashka uu carruurtiisa ku gayn lahaa isbitaalka magaalada Burco oo qiyaastii u jira 120 km.
Wuxuu uga shakiyay jadeecada markii uu jirkooda ku arkay finan iyo xummad joogto ah. Markaas ayuu meel qorrax ah seexiyay kaddibna busto dusha ka saaray isagoo rajaynaya inay ku caafimaadaan, balse taas waxba kama beddelin xaaladdooda. Wuxuu sheegay in hadda xaalada caafimaad ee carruurtiisu ay ka soo raynayso kaddib markii dhowaan uu adeegyo caafimaad ka helay dhakhaatiirta ka socotay wasaaradda caafimaadka.
Muddo lix bilood ah oo deegaanka uu joogo ma aanu arag kooxaha tallaalka. Baaddiyaha deegaanka ayuu ku dhaqanayay 90 neef oo ari ah, hase yeeshee wuxuu dhammaan ku waayay abaarta.
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii ay ku xakamayn lahayd cudurka si aanu ugu faafin deegaannada kale ee ku dhow Yadagta. Isla markaana ay wacyi gelin iyo tallaal u samayn doonto dhulka ka fog magaalooyinka ee aan heli karin adeegyada caafimaadka.
Aamina Cismaan Xarbi oo ka mid ah dadka deegaanka Yadagta, wuxuu cudurku shan maalmood kahor uga dhacay labo carruur ah oo ay dhashay. Waxay sheegtay in ay ku aragtay finan, indhaha oo casaanaya, duuf badan iyo xumad joogto ah. Carruurta oo saddex iyo afar sano jir kala ah ayay aaminsan tahay in ay cudurka ka qaadeen reer deris la ah oo jadeecadu kaga dhacday qaar ka mid ah carruurtooda.
Aamina ayaa tilmaantay in ay carruurta jirkooda marisay saliid iyo xabad-sowdo si ay u bogsoodaan laakiin aanay waxba ka beddelin caafimaadkooda. Carruurteeda oo afar ah weligood lagama tallaalin cudurka jadeecada. Deegaanka oo ah meel ka fog magaalooyinka ayay sheegtay inaanay inta badan iman kooxaha tallaalka.