(ERGO) – Ismaaciil Raage oo naafo ka ah labada lugood ayaa noqday qofkii ugu horreeyay oo shaqo joogto ah ka helay mid ka mid ah bankiyada ugu horumarsan Soomaaliya, laba maalin kadib markuu ka qalinjebiyay jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho. Ismaaciil oo 22 sano jir ah ayaa ka mid ahaa 100 arday oo toddobaadkii hore xaflad qalinjebin ah loogu sameeyay caasimadda. Wuxuu bartay culuumta bankiga iyo dhaqaalaha.
Qaybta caawisa macaamiisha ee bankiga Premier ee Muqdisho ayuu u shaqo tagaa isagoo wata gaariga dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo toddobaadkan uu u iibiyay adeerkiis.
Sawir laga qaaday isaga oo xiran dharka qalinjebita oo ku dul guur-guuranaya roog cas ayaa soo jiitay dad badan oo isticmaala baraha bulshada ee internet-ka. Tan ayaa ka dhigtay nin caan ah oo ay la soo xiriireen hay’ado iyo shirkado shaqooyin usoo bandhigaya.
Bogaadin iyo dhiirrigelin ayuu ka helay qaybaha bulshada iyo madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa boggiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay Ismaaciil. Halka madaxwaynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu u ballanqaaday deeq waxbarasho oo heerka labaad ee jaamacadda ah, taas oo bisha sagaalaad uu u aadi doono dalka Malaysiya. Ismaaciil ayaa sidoo kale ballanqaad shaqo ka helay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.
Uma sahlanayn inuu heerkan soo gaaro isagoo aan addimadiisa ku socon karin, isla markaana aan haysan gaariga ay kaashadaan dadka naafada ah, maaddaama uu ka dhashay qoys sabool ah. Wuxuu u dhabar adaygay waxbarashadiisii heerarka kala duwan ee iskuulka iyo afartii sano ee jaamacadda. Maalmaha qaar oo ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, gaadiidka dadweynahana aanu shaqeyneyn wuxuu muddo 40 daqiiqo ah u gurguuran jiray jaamacadda.
Wuxuu xaafadda Gubta kula nool yahay qoyskiisa oo ka kooban shan gabdhood, afar wiil iyo labadooda waalid oo uu uga mahadceliyay inay ku dhiirrigeliyeen waxbarashada si uu nolosha heer uga gaaro.
Dhibaatooyinka uu soo maray Ismaaciil waxa uu hadda ku hilmaamayaa inuu gaaray mid ka mid ah himilooyinkiisii. Waa riyo dad badan oo baahiyaha gaarka ah qaba aan u suuragelin. Waana qofkii ugu horreeyey oo guur-guurad ku socda oo shahaadadan ka qaatay jaamacadda SIMAD. Waxbarashadiisa oo deeq ahayd ayuu uga baxay kulliyadda bankiga iyo dhaqaalaha.
Wuxuu sheegay in macallimiinta iyo ardayda ay ku dhiirrigelin jireen waxbarashadiisa. Wuxuu ahaa arday fahmad badan oo mar walba aan hoos uga dhicin kaalinta labaad marka la shaaciyo natiijada imtixaannada.
“Wuxuu noo ahaa macalinkeennii labaad ee fasalka oo casharrada innoogu celin jiray,” ayay tiri Faadumo Cabdi Jaamac oo ay jaamacadda ka wada baxeen.
Cudurka dabeysha ayaa naafeeyay Ismaaciil isaga oo saddex sano jir ah. Xilligaas waxaa yaraa fahamka ay waaliddiintu ka haysteen faa’iidada tallaalka ka hortaga ah. Soomaaliya ayaa laga ciribtiray cudurkan, waxaase dhowaan gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle ka billowday tallaalka 700,000 oo carruur ah. Tan ayaa timid markii uu soo baxay shaki ah inuu cudurku dib uga dillaaci karo waddanka.
Waxbarashada iyo dadaalka uu muujiyay Ismaaciil ayaa dhiirrigelin u noqon kara qof walba. Wuxuu sheegay in hadafkiisa xiga uu yahay dhismaha ururro isu keena dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kana shaqeeya danahooda iyo horumarinta xirfadaha dadka naafadaha ah.