Maamulka Koonfur-galbeed ayaa la wareegay gacan-ku-haynta isbitaalka Xudur oo muddo saddex sano ah ay adeegyadiisu u hakadeen maamul la’aan. Isbitaalka oo toddobaadkii hore uu maamulku geeyay saddex diyaaradood oo dawooyin ah ayaa sidoo kale loo qoray 18 qof oo shaqaale ah oo labo ka tirsan ay yihiin dhaqaatiir qalliinka qaabbilsan.
Muddadaas kooban wuxuu isbitaalku qaabbilay 250 bukaan oo 23 ka tirsan la seexiyay sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Isxaaq Maxamed Nuur oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgaleysa isbitaalka. Bukaannadaas waxaa hayay shuban, mallaariyo, nafaqo-darro, macaan, burukiito iyo dhiigkar. Gobolka oo dhan waa degmada keliya ee leh isbitaal weyn oo sidaan oo kale ah.
Dhaqtarka ayaa xusay in celcelis ahaan ay maalin kasta qaabbilaan dad ka badan 30 qof oo ka kala yimaada deegaanno kala duwan oo gobolka ah. Waa isbitaalka keliya oo lacag la’aan ah ee adeegyo kala duwan laga heli karo gobolka Bakool oo dhan. Waxaa si buuxda u shaqeynaya qeybaha jiifka, bukaan socodka, arrimaha degdegga ah, shaybaarka iyo rugta daawada.
Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee maamulka Koonfur-galbeed, Isxaaq Maxamuud Mursal ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in maamulka ay dhinaca dawada iyo mushaarka shaqaalaha ay ka caawineyso hay’adda Word Vision inta uu ka gaarayo heer isku filnaasho ah oo uu awood u yeelan karo inuu si buuxda oo madax-bannaan ula wareegista isbitaalka.
Wuxuu intaa ku daray in isbitaalka uu daboolay baahi caafimaad oo ka jirtay degmada iyo gobolkaba. Saddexdii bilood ee u dambeysay wuxuu xaqiijiyay in la’aanta daryeel caafimaad ay u dhinteen 30 haween ah oo foolanayay. Waxay isugu jiraan haween dhiigbax u dhintay iyaga oo jooga deegaannadooda oo ay Xudur ku jirto iyo kuwo dhintay xilli loo qaadi lahaa Muqdisho iyo Baydhabo.
Faadumo Cabdullaahi Xasan waxaa iyadoo miyir daboolan daawayn loo geeyay isbitaalka 30-kii Diseembar. Waxaa laga soo qaaday tuulada Banjinaay oo 15 km bari kaga beegan Xudur. Muddo saddex bilood ah ayay u jiiftay xanuun feeraha ka hayay. Waxay dhaqaatiirtu u sheegeen inay sababtu tahay burikiito ku xumaatay. Ma aysan awoodin dhaqaale ay daryeel caafimaad ugu raadsato meelo ka baxsan Xudur.
Waxay tilmaantay in caafimaadkeeda uu hadda soo hagaagayo, kaddib markii ay isbitaalka ka heshay adeegyo caafimaad. Maalin kasta waxay qaadataa irbado iyo faleembooyin.
Diyaaradaha oo ah gaadiidka ugu sahlan amni ahaanna la isku halleyn karo waxay Baydhabo oo u jirta 155 km ay ku tagaan $150. Halka magaalada Muqdishona ay ka tahay $250. Taas oo ku adag dadkan oo intooda badan abaarta ku xoolo beelay. Degmada oo weli ay saameyneyso xayiraadda saddex sano jirsatay ee Al-Shabaab ayaa mararka qaar si dhuumaaleysi ah looga safraa iyadoo la adeegsanayo gawaari kiro ah oo qaata $40 ilaa $50.
Maxamed Cabdi Xasan oo bishii Luulyo ee sanadkan adeegyo caafimaad u doontay magaalada Baydhabo si uu kaalmaati ugu helo cudurka macaanka oo haya ayaa sheegay inay ka baxday $600, laakiin uu hadda ku faraxsan yahay dib-u-howlgelinta isbitaalka Xudur.
Mudadii todobaadka ahayd ee isbitaalku dib u shaqo bilaabay adeegyada uu qabtay waxaa ka mid ah haweenay cunug mayd ah laga soo saaray iyo mid kale oo dhiig baxday oo iyada iyo cunuggeediiba la badbaadiyay. Kiisaskaas oo ka mid ah kuwa ay dadku ku qasbanaayeen inay u aadaan Muqdisho iyo Baydhabo.