Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo cudurro ugu dhimanaya Shabeellaha dhexe

Radio Ergo by Radio Ergo
January 11, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Abaaro ka jira qaybo ka mid ah Togdheer

Keyd/Geel ruqo ah oo ku sugan deegaanada abaartu ka jirto ee Togdheer/Sidiiq/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xoolo-dhaqatada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka cabanaya arigoodii oo u dhimanaya cudurka Xaafowga oo ka dhasha biyaha wasakhaysan.

Sida laga soo xigtay Saalax Fuleel Xaaji oo ah madaxa caafimaadka ee gobolka, ku dhowaad 430 qoys oo xoolo-dhaqato ah ayay saamaysay cudurada ku dhacay xoolaha oo ay ka qaadeen daadad ka dhashay fatahaad uu sameeyey webiga Shabeelle. Khubarada caafimaadka xoolaha ayaa tilmaamay in cudurka dilaya xoolaha uu yahay Xaafow, waxaa sidoo kale loo yaqaana gooryaanka wareega, dadka ayuu sidoo kale saamayn karaa.

Yuusuf Xaamud oo ka mid ah dadka tuulada Aw-baale, ayaa sheegay in arigiisii oo 150 neef ahaa ay hadda uga soo hareen 7 neef oo keliya, sidii cudurku u dilaacay. “Cudurka ayaa bilaabay inuu fido dhammaadkii bishii Oktoobar, xooluhuna wali way dhimanayaan- neefkaygii ugu danbeeyey wuxuu dhintay 25 Diseember”, ayuu yiri Yuusuf.

Daahir Maxamed Xasan oo degan degmada Dibir oo 25 km bari ka xigta degmada Mahadaay ayaa sheegay in xoolihiisii ay uga soo hareen 29 neef oo keliya, wuxuuna horay u lahaa 250 ari ah. Qoyskiisa oo ka kooban 6 qof ayaa u guuray magaalada si ay ula noolaadaan dad ay qaraabo yihiin, xoolihii usoo haray ayuu uga yimi dad deris la ahaa oo degan tuulada Dibir.

“Waxaa la ii sheegay in afar ari oo kale uu ku dhacay cudurkan, sidaas daraadeed waxaan go’aan saday inaan iibiyo xoolaha dhammaadka bishan”, ayuu yiri Daahir.

Dadka deeggaanka ayaa sheegay in ku dhowaad 4,000 oo neef oo ari ah ay u dhinteen cudurka saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa adag in la xaqiijiyo tiradaas, laakiinse khubarada xoolaha ayaa sheegaya in Xaafowgu keligiis aanu sabab u noqon karin dhimashada intaas le’eg. Inta badana cudurkan waxaa la arkaa marka webigu uu fataho, isla markaana biyaha fadhiya hareeraha webiga ay ku wasakhoobaan saalada xoolaha. Arrimaha kale ee yaraynaya difaaca xoolaha inta lagu jira tafahaada webiga, waxaa kamid ah; burikiito iyo xanuuno ku dhaca feeraha oo ay ka qadaan qabowga.

Ammaanka deegaannadaas oo xun awgeed ayaa adkaysay in hay’adaha gargaarku ay ka howl galaan. Inta badan xoolo-dhaqatada ayaa ah dad reer guuraa ah, isla markaana ay ku adag tahay la socoshada caafimaadka xoolohooda.

Dadka deeggaanku waxay cabasho ka muujinayaan in hay’adaha gargaarka bixiya ay iska indha tirayaan, isla markaana aanay helin wax daawo ah wakhtigan. Madaxa caafimaadka ee degmada Mahadaay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dadku ay si joogta ah u waydiisanayaan adeegyo caafimaad.

Hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii hore soo geba gebaysay olole tallaal oo ka dhan ah Jadeecada iyo Furuqa xoolaha kaas oo ay ka fulisay Soomaaliya. Laba wareeg oo daawayn ah ayay sidoo kale hay’addu qabatay intii u dhexaysay Maarso iyo Juun ee sanadkii hore.

Previous Post

Carruurta da’da waxbasho dhaafay ee barakaca iyo danyarta oo helay fursado waxbarasho oo bilaash ah

Next Post

Qiimaha xoolaha ee Sayladda Bender Bayla ee gobolka Bari

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha ee Sayladda Bender Bayla ee gobolka Bari

Qiimaha xoolaha ee Sayladda Bender Bayla ee gobolka Bari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo