Maxamuud Timir ayaa u guuray dhulka buuralayda ah ee saaran xeebta gobolka Sanaag dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ee Nofeember. Baabuur xoolaha u qaada oo uu siiyay 11 neef oo ari ah, ayuu ku raray qoyskiisa oo deganaa dooxada Goox-dheer oo hoos timaada deegaanka Ceel-afwayn. Dhulka uu hadda u guuray ayaa 113 km u jira halkii uu hore u deganaa .
Abaaro labadii sano ee la soo dhaafay ku soo noqnoqday deegaanka, roobkii deyrta oo baaqday iyo qiimaha biyaha oo kor u dhaafay $4 halkii fuusto, ayaa ku khasabtay qoysas ari dhaqato u badan oo gaaraya 1,500 inay u naq-raacaan buuraha Calmadow oo roobabkii dayrtu ay heleen. Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Nuur Ciyoon ayaa sidaas u sheegay Raadiyo Ergo.
Maxamuud Timir oo dadkaas ka mid ah wuxuu abaarta ku waayay 391 neef ari ah iyo 10 geel ah. Deegaan qiyaastii 35 km galbeed ka xigta degmada Laasqoray ayuu hadda ku haystaa 80 neef oo ari ah iyo awrka keliya ee uga haray geeliisa.
Xeebta u dhexaysa Laasqoray iyo Ceelayo ee ay dadku u barakacayaan, waxaa helay roob aan badneyn bishii Oktoobar. Laakiin wuxuu hadda leeyahay biyo dur-dur ah oo ay si bilaash ah ku heli karaan iyo daaqsin.
Waxaa jira qoysas awoodi waayay inay u hayaamaan deegannadaas, waxayna ku hareen tuulooyinka markii xoolihii haray ay u socon waayeen.
Sucaad Axmed oo ah hooyada sagaal carruur ah, waxay 30 neef oo ari ah oo uga badbaadday abaarta ula barakacday deegaanka Xarko-dheere oo 50 km u jira degmada Badhan. Waxay sheegtay in ay hal waqti dab shitaan, ayna culays badan kala kulmaan helitaanka biyaha, maaddaama qiimahoodii oo deyrta ka hor ahaa $2 ay hadda ka saro kaceen.
War qoraal ah oo horraantii bishan ka soo baxay Puntland ayaa lagu muujiyay heerka ay gaarsiisan tahay abaarta ka jirta deegannadaas. Gobolka Sanaag ayay saamaynta ugu badan abaartu ku reebtay sida ku xusan qoraalka. Deegaannada maamulka ayaanay dayrtu helin 70 boqolkiiba, halka inta soo hartayna uusan roobku si fiican u wada gaarin.
Waxaana walaac laga muujiyay in xoolo-dhaqatadu ay ka soo kaban waayaan abaarta, maaddaama saddexda bil ee soo socota la galayo jilaal.