Haweenka ayaa ah kuwa ay saameysey Isbitaal la’aan iyo dhakhaatir la’aanta ka jirta degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool. Umuliso dhaqameedyada oo kaliya ayaa ka shaqeeya waxayna sheegeen in celi-celis bishii ay seddex ilaa shan haween ah u dhintaan dhiig-bax, kalamisa iyo foosha oo ku adkaata. bishan October Seddex haween ah ayaa dhintay kadib markii waayeen adeegii caafimaad ee ay u baahnaayeen.
Nasra Shiikh Ismaaciil oo ka mid ah seddex umuliso dhaqameed oo jooga Ceelbarde ayaa sheegtay in ilaa bishii Janaayo ee sanadkan ay dhinteen 26 haween ah oo qaarkood wadada ku dhintay, halka kuwa kalena ay magaalada gudaheeda ku dhinteen.
“Annagga umulisooyin uun baan nahay, qofna dhiig kuma shubi karno, qof noo yimidna ma badan baadin karno, labadi dumar ee ugu dambaysay ayaa dhintay toddobaad ka hor, waxaa jira haween intay dhiig baxeen u baahnaa dhiig ku shubid oo inta baabuur lagu qaaday dhexda ku dhintay xaaladaha deg deg ahna waxba kam aqaban karno”. Ayay tiri Nasra Shiikh Ismaaciil
Isbitaalkii guud ee degmada Ceel-barde ayaan shaqayneyn tan iyo burburki dowladdii dhexe ee Soomaaliya, arrintaas oo sii xoojisay baahiyaha caafimaad ee deegaanka jira.
Maxamed Isaaq Amiin afar bil kahor ayuu xaaskiisa oo saddex habeen foolaneysa, umulisooyinkii magaalada Ceelbardena ay wax ka qaban waayeen, uu gaari ku geeyey magaalada Godey.
“Wakhti habeen ah oo sagaal saac ay tahay ayaa fool qabatay,Umulisooyinka Magaalada hal maalin ayay ku qadatey waxba waa ka qaban waayeen, gaari ayaan u kireeyey, gawaarida gurmadka deg-deg lama helo nasiid darro sidaa markaan u gaarnay cisbitaalka ayey nafti ka baxday”.
Gaariga dheereya ee aroortii kabaxa Ceelbarde wuxuu Godey gaaraa salaadda Cishe, waxaana lagu kiraeystaa halki mar lacag dhan Shan boqol oo doolar.
Caruurtii ay ka dhimatay xaaskiisa, isaga ayaa hadda aabe iyo hooyo u ah, wuxuuna hadda ka shaqeeyaa geerish, isaga oo sameeya biraha taayiradana ka bedela gawaarida, wuxuuna ka helaa boqol kun oo shilling oo uu ku maareeyo nolosha caruurtiisa.
Haweenka dhaqaale ahaan ladan ayaa loo qaadaa magaalada Godey ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo una jirta Ceelbarde 140 Km. Waana goobta ugu dhow ee ay ka heli karaan xarrun caafimaad oo ay lacagtooda wax kaga iibsan karaan.
Haweenkaas waxaa ka mid ah Nasro Shiikh oo iyadu ah umuliso dhaqameed “Qalliinkii iigu horreeyey waxaa la igu sameeyey aniga oo canugii iigu horreeyey fooshiisa igu adkaatey oo Godey la iila cararay,laba jeer oo kalena waa la isoo qalay”. Ayay tiri Nasro.
Dhool Xuseen Maxamuud waa hooyo haysta afar carruur ah haddane leh lix bil oo uur ah waxay aad uga welwesan tahay xillga dhamada, ayadoo wali xasuusta dhibaato ay ka soo martay labadi carruur ah ee ugu danbeeyey ee ay dhashay, ilmaheedi ugu dambeeyey ayey foolanaysay mudda sedex cisho ah.
“Mandheerta keliya ayaa shan saac igu jirtay oo aan la iga soo saarin, welwelka iigu badan hadda meel aan aado ma garanayo oo dhaqaale ma awoodo aan meel caafimaad ku aado”
Dadka deegaanka ayaa xal u arka in la helo goobo caafimaad oo hooyada iyo dhallaanka ah iyo dhaqaatiir wax ka qaban kara hooyooyinka xaaladoodu adkaato xilliga foosha.