Dhurwaa weerar ah ayaa tan iyo dhamaadkii bishii hore ee Sabteembar dad iyo xoolo ku dilay tuulooyin hoostaga degmooyinka Seylac iyo Lughaya ee gobolka Awdal. Ilo kala duwan oo deegaannadaas aan kala xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay dhimashada 4 qof, dhaawaca saddex kale iyo inuu dhurwaagu cunay xoolo gaaraya 150 neef oo isugu jira geel, ari iyo dameero.
Weerarrada uu dhurwaaga ka geysanayo tuulooyinka oo dadka ku nool ay xoolo-dhaqato yihiin ayaa loo sababeynayaa abaarta daba-dheeraatay ee ka jirtay xeebta waqooyi ee Somaliland, taas oo meesha ka saartay waxyaabihii ay ku noolaayeen.
Cabdirashiid Ibraahim Muuse oo ah madaxa xarun yar oo caafimaad oo ku taalla deegaanka Cabdi-Geeddi oo hoostaga Lughaya ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in 14-kii bishan uu dhurwaagu gabar hal sano jirta kala baxay bogga hooyadeed xilli ay hurdeen ardaaga guriga oo habeen bar ah. Waxaa baaris mar dambe la sameeyay lagu soo helay lafaheeda.
Dadka kale ee dhurwaaga uu dilay ayaa kala ah nin wadaad ahaa oo da’diisa lagu qiyaasay 50 jir, nin dhimirka ka xanuunsanaa oo lagu qiyaasay 36 jir iyo gabar siddeed jir ahayd, sida uu noo xaqiijiyay Axmed Xuseen Badmaax oo xubin ka ah Golaha Deegaanka ee degmada Lughaya. Tuulooyinka uu dhurwaagu weerarrada ku hayo waxaa ka mid ah Cabdi-Geeddi, Riigga ina Kalowle iyo Idhaa Cadeys.
Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xaruntooda hadda lagu daryeelayo labo haween ah oo mid ka mid ah uu waraabuhu garabka ka cunay, tan kalena uu lugta goostay. Wuxuu xusay in dhaawacyada gaaray ay daran yihiin. Wuxuu ka walwalsan yahay qaniinyada bahalka inay ka qaadaan xanuunno kale, maaddaama aan weli loo helin cirbad uu sheegay inay dili lahayd sunta ilkaha bahalka. Cirbaddaas lagama helo deegaanka oo isbitaallada u dhow ay ku yaallaan Hargeysa oo u jirta 150 km iyo Boorama oo u jirta 170 km.
Yurub Ibraahim oo lix sano jir ah ayaa ka mid ah dadka uu dhaawacay waraabaha. Xilli habeen ah, labadii bishan iyada iyo qoyskeeda oo hurda bannaanka guriga ayuu dhurwaagu faraha gacanta midig qaarkood ka goostay, madaxa iyo gacantana dhaawac ka gaarsiiyay markaas oo uu isku dayayay inuu la tago. Laakiin hooyadeed iyo aabbaheed oo ay wada hurdeen ayaa ku guuleystay inay ka dhigaan. “Markii qeyladeeda lagu kacay ayaa laga riday,” ayuu yiri Idiris Sayid Cali oo abtigeed ah. Hadda way ka soo kabaneysaa dhaawacyada gaaray. Guriga ayaana dib loogu celiyay 12 maalmood oo xarunta caafimaadka ee Lughaya lagu baxnaaninayay kaddib.
Idiris ayaa xusay in dadka deegaanka aanay socon karin habeenkii, maalintiina aanay carruurtu guryaha ka bixin, maaddaama ay la soo deristay cabsi ah inuu waraabuhu ugaarsanayo.
Xildhibaan Badmaax ayaa noo sheegay in maamulka dowladda hoose ee Lughaya uu wado qorshe lagu sumeynayo waraabaha si aanay dadku uga barakicin guryahooda. Xilli kuleyl ah oo dadku ay ku qasban yihiin inay bannaanka guryaha seexdaan ayaa lagu jiraa, sidaas daraaddeed wuxuu tilmaamay inay ciidanka heegan ku jiri doonaan si ay dadka uga badbaadiyaan weerarrada waraabaha.
Ilyaas Cabdi Cali