5 qof ayaa nafaqo darro ugu geeriyooday duleedka Caabudwaaq ee gobolka Galguduud Dhimashadii ugu dambaysay ayaa ahayd lixdii bishan waxaa Radio Ergo loo xaqiijiyay geerida afar kale intii udhaxaysay 15kii ilaa 23kii bishii tagtay ee September. Qofkii ugu danbeeyey ayaana dhintay 6dii bishan October.
Dadka geeriyooday oo kala qoys ah ayaa kamid ahaa qoysaskii ugu dambeeyay ee abaarta kaga soo barakacay deegaannada kala ah Ballicad, Shiila-Madoow, Aricadays, iyo Tuulo Xanaf kuwaas oo Caabudwaaq ujira masaafo udhaxaysa 10 ilaa 30KM. sida uu Radio Ergo u xaqiijiyay gudoomiyaha xerada barakacayaasha ee IFO2.
Afar kamid ah dadka geeriyooday waxa ay ku dhinteen gudaha xeryaha loo barakacay, halka qofka shanaad uu ku dhintay gudaha isbitaal Cibaado sida ay Radio Ergo u xaqiijiyeen ehelada dadkaas iyo qaar kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka.
Hooyo Maryan Cabdi ayaa 6dii bishan uu gudaha xerada uga geeriyooday wiil ay dhashay oo 5sano jir ah kaas oo ay sheegtay inuu udhintay nafaqo darro, waxayna tibaaxday in ilmaha ay ku arkeen xumad badan iyo jirkiisa oo badalmay iyo cunnadii oo uu qaadan waayay.
Hooyadaan iyada iyo caruurteeda oo 4 ah waxay bishii afaraad ee sanadkaan kasoo barakaceen deegaanka Shiila-madoow halkaas oo ay ku haysteen laba tiro oo ari ah, oo ugu dambayn ku baxay abaarta daran ee kajirta deegaankaas.
“Cuntada ma qaad karin, wuu bararay, caano uma gadan karin xoolahana caano malahayn, wax aan siiyaba waan waayay, todobaad wax ma cunin kabacdina wuu dhintay, calaamadaha kale waxaa kamid ah cunug madow buu ahaayee wuu cadaaday indhaha iyo bishimaha carabka iyo meel walbo wuu cadaaday”.ayay tiri hooyo Maryan Cabdi oo Ergo la hadashay
Isbitaalada Caabudwaaq waxaa la seexiyay dad gaaraya 50 qof oo 36kamid ah yihiin caruur, halka 14ka kalena ay yihiin haween waawayn, kuwaasi oo la ildaran nafaqo darro muddo 3 Bil ah ka jirtay magaalada sida ay Radio Ergo u xaqiijiyeen dhaqaatiir caafimaad oo ka tirsan isbitaalka Cibaada.
Dr.Gaas oo kamid ah Dhaqaatiirta Isbitaal Cibaado ayaa Radio Ergo uxaqiijiyay jiritaanka nafaqadaradda taas oo uu ku sheegay in ay tahay heerkii ugu sareeysay, waxaana uu xusay in Isbitaalka maalin walbo la diiwaan geliyo dad ubadan caruur oo uu sheegay in maalintii ugu yaraan loo keeno 10Caruur oo la ildaran nafaqo darro,
“Qiimeyn aan samaynay aad bay usaraysaa heerka nafaqadarada xilligaan tusaale marka ay noo yimidaan 30caruur Kala bar waa nafaqa darro, waxay ku badan tahay caruurta 5ta sano kayar iyo hooyada uurka leh”.ayuu yiri Dr.Gaas.
Canab Haybe laba todobaad kahor ayay gudaha xerada IFO2 oo ay dagan yihiin uga geeriyootay Hooyadeed oo ah da’da lixdamaadka.
Waxaana iyada iyo shan caruur oo kayar da’da 10ka sano ay lix bil kahor kasoo barakaceen Deegaanka Balli-cad oo Caabudwaaq Dhanka waqooyi galbeed kaxiga masaafo dhan 18KM, barakacooda ayaa yimid kadib marki ay ka la’deen 150 neef oo ari ah iyo 20 geel ah oo ay dhaqan jireen,
waxaan waydiiyay waxa ay ku ogaadeen in hooyadeed ay ugeeriyootay nafaqo Darro iyo sababta ay isbitaal ukeeni waayeen maadaama deegaanka uu ka jiro isbitaal lacag la’aan loogu daweeyo dadka nafaqa daradda ay hayso.
“Calaamado waxaan ku aragnay cagaha iyo gacmaha ayay ka barartay, wadnaha way ka xuurtoonaysay, cunto 10 maalin kahor baa ugu dambaysay, anaga dad reer baadiyaa nahay oo halkaan dad kama naqaano isbitaalka gaari aan ku tagno ma helin tagsiga wuxuu kugu qaadayaa 5dollar ama 4dollar wax gaari hay’ado oo noo yimidna ma arag”. ayay tiri hooyo Canab.
Nafaqa-darrada xoogeeda ayaa deegaanka lagu arkay Seddexdii bil ee ugu dambaysay oo ay dhaqaatiirtu ku sababayeen in Abaaraha laga dhaxlay iyadoo dadku ay heli waayeen wixii nafaqada lahaa ee la heli jiray Sida Caanaha iyo hilibka xoolaha.
Cumar Siciid C/raxmaan