WARGELIN Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobey FAO wuxuu idinku wargelinayaa: Iyadoo hawlaheenna gargaarka dhinaca beeraha ay ka bilaabanayaan degaannada Rab Dhuurre, Tayeeglow, Waajid, Xuddur, Baydhaba/Bardaale, Buur Hakaba, Diinsoor, Qansax Dheere, Baardheere, Belet Xaawo, Doolow, Garbahaarey/Buur Dhuubo, Luuq, Belet Weyne/Matabaan, Bulo Burte/Maxaas, Jalalaqsi, Buaale, Jilib, Saakow/Salagle, Afmadow/Xagar, Badhaadhe, Jamaame, Kismaayo, Adan Yabaal, Balcad/Warsheikh, Cadale iyo Jowhar/Mahaday, waxaan kaloo aqoonsannahay xuquuqda cid kasta oo ka faaideysaneysa barnaamijkan u leedahay inay ogaato waxa uu leeyahay in la siiyo ee xuquuq ah.
Beeraleyda loo diiwaan geliyey inay helaan gargaarka miraha dalagyada beeraha, fadlan waa iney ogaadaan, in beeraley kasta oo loo xuley barnaamijkan ee ku dhaqan goobaha cunnada ay roobku ku beermaan inuuu xaq u leeyahay 15 kilogram oo meseggo ah iyo 10 kilogram oo digir ah, kuwaas oo ku filan inay ku beertaan hal hectare oo dhul ah, halka gobollada Bay, Bakool iyo qeybo ka tirsan Gedo uu qof walba oo ku nool goobaha ay dadku cunada roobka ku soo saartaan , qof walba oo beeraley ah la siin doono 30 kilogram oo meseggo ah iyo 20 kilogram oo digir ah, oo ku filan in lagu beerto laba hektar oo dhul beereed ah..
Beeraleyda loo xushey barnaamijkan ee ku dhaqan dhulka webiyada ay maraan (iyo goobaha mucayinka ah ee beeraleydu ay cunnada ku soo saartaan roobka ee Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose) waxaa beeraley kasta uu xaq u leeyahay inuu helo 20 kilogram oo galey ah iyo 10 kilogram oo digir ah, oo ku filan in lagu beerto hal hektar oo dhul beereed ah. Markaad hesho kaalmadan, waxaa lagaa doonayaa inaad saxiixdo warqadda cadeyneysa in kaalmo lagu guddoonsiiyey ama risiit, isla markaana aad sheegto nambarka telephonkaaga.
Faahfaahin dheeri ah haddaad u baahan tahay, fadlan nagala soo xiriir emailka ah info@faosomalia.org amaba fariin qoraal ah ku soo dir telefonka nambarkiisu yahay +254712000212. Dib ayaa lagaaga soo wici doonaa.
Farriintan waxaa idiin soo gudbiyay Ururka cuntada iyo beeraha u qaabilsan QM ee FAO.