Tirrada guud ee dadkii ku dhaawacmay ama ku dhintay qaraxii gilgilay magaalada Muqdisho ayaa sii korartay kadib markii la helay meydad hor leh cisbitaalada Muqdisha-na ay kasoo baxeen Tirakoob sax ah kadib saacado isbarbaryaac ah oo warar is burinaya kasoo baxayeen xarumaha caafimaadka
Cisbitaalka eeyn ee Madiina oo ahaa halka ugu badan oo la dhigay dadkii ku dhaawacmay ama ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaan kula kulmay madaxii caafimaadka ee cusbitaalkaasi Duniyo Cali Maxamed waxa ay ii sheegtay in 137 qof oo dhaawacyo qaba la dhigay, cisbitaalkaasi iyo 8 ruux oo qaraxa ku geeriyooday, waxayna intaa ku dartay in dadaal aan kala harlaheyn ay ku jiraan maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalka si ay ugu guulaystaan badbaadinta dadka kale ee xaaladaha qatarta ah ku jira.
“Waxaan saacadihii lasoo dhaafay ku mashquulsanayn tiro aad u farabadan oo ku dhaawacmay qaraxa oo la keenay cisbitaalka waxaana 137 qofood lasoo gaarsiiyay cisbitaalka, todobaataneeyo waa la jiifiyey, halka kuwa kale adeegooda caafimaad loo fuliyay” waxaana sidaa yiri madaxa caafimaadka ee cisbitaalka Madiina Duniyo Cali Maxamed.
Dr: Bashiir Daahir Maxamed oo isna kamid ah dhaqaatiirta qaliinka ee cisbitaalka Banaadir oo aan gudaha cisbitaalkaasi kula kulmay ayaa waxa uu tilmaamay tirada guud ee dhaawacyada ee cisbitaalkaasi la keenay ay gaarayaan 71 Ruux oo qaba dhaawacyo culus iyo kuwa fudud iyo 25 Ruux oo qaraxaasi ku geeriyootay iyo kuwa kale oo cisbitaalka ku geeriyooday:
“ Runtii dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi xaaladooda aad ayay u xumayd 71 ayaa naloo keenay 25 qofood dhimasho ayay ahaayeen inta kalana dhaawacyo fudud iyo kuwa culus ayay isugu Jiraan”.
Dhinaca kale waxaa jira dad la ii sheegay inay gaarayaan Kontomeeyo oo ku jira cisbitaalka Xalene oo ay maamulaan ciidamada AMISOM marka la isku geeyo qaraxii Muqdisho ka dhacay qasaarihii uu geystay ayaa waxa celcelis ahaan qasaaraha Dhimashada hada lagu tilmaamayaa in 90 Ruux ay kor u dhaafayaan dhaawacyadana ay yihiin in ka badan 200.
Madaxweynaha DKMG ah Ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiik Axmed oo kormeer ku tagay cisbitaalada Banaadir iyo Madiina ayaa wuxuu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad badan oo aan wax looga qaban karin xaaladahooda guddaha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray inay la kaashanayaan dalal kale si dadkaasi ay u helaan gargaar caafimaad oo dibada ah, wuxuuna ku dhawaaqay yabooh dhaqaale o loogu talagalay dadka dhibaatadu soo gaartey.
“Labada cisbitaal ee Madina iyo Banadir waxa ay si weyn ugu dadaalayeen inay qabtaan wixii karaankooda ah, waxayna noo sheegeen in dadka ay kamid yihiin dad aan halkaan wax loogu qaban karin, waxayna dawladda go’aamisey dadkaan halkaan wax looga qaban karin innaan la kaashano dawladaha Caalamka waxaana furaynaa sanduuq dowladda ayaana bilaabayso waxa ayna bixinaysaa boqol kun oo Dollar laguna sii bilaabo shaqooyinka. Dadka Soomaaliyeedna waxaan ugu baaqeynaa in ay garab istaagaan oo ay kaalmeeyaan dadka dhibaatada soo gaartay” ayuu yiri madaxweyne Shariif”
Qaraxii ruxay magaalada Muqdisho ayaa kasokow khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay wuxuu geystay khasaare kale oo hantiyadeed iyadoo maskax ahaana ay jiraan dad badan oo argagax ka qaaday iyo qaar kale oo waliba arintaasi ku reebtay ma hadho aan weligood qalbigooda ka baxayn.
Dhamaad.
Yusuf Keynaan/MH