Waxay ahayd xili barqanimo ah oo magaalada Muqdisho ay tahay mid aad u mashquul badan gawaarida iyo dadka ayaa is dhaaf dhaafaya. Xaruntan waa Hargaha iyo Saamaha waana dhisme weyn oo u dhaxeya KM4 iyo isgoyska Zoobbe oo ah goobo isku raran ah, dadkuna ay aad ugu badan yihiin
Xaruntani waxaa dagan wasaaradaha howlaha rayidka qabta ee DKMG sida wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka iyo qaar kale waxaa xarunta todobaadyadii ugu danbeeyayna lagu qaabilayay kumanaan arday Soomaaliyeed oo gobollo kala duwan ka kala yimid kuwaa oo goobta ku qaadanayay imtixaan ay ugu tartamayeen deeqaha waxbarasho ee uu turkiga ugu deeqay Soomaaliya xiliga uu qaraxa dhacayay waxaa ku suganaa mas,uuliyiin iyo arday badan oo sugayay in magacyadooda loo soo dhajiyo imtixaandka.
Goobtaasi ayaa waxaa hal mar ah isbadelay oo qarax weyn oo loo adeegsaday gaari wax yaabaha qarka laga soo buuxiyay uu goobta ka dhacay. Agagaarka dhismaha oo aan gaaray ayaa haa mid uu jahwareer ka muuqday, dhiig ayaa daad sanaa madaxyo, lugo iyo gacmo go,go’an ayaa meel walba aan ku arkayay waxaan sido kale arkay meeydadka in kabadan 20 ruux oo u badnaa dhalinyaro la ii sheegay iney arday ahaayeen.
Halkaa waxaan kula kulmay wiil dhalinyaro ah oo wajigiisu ay ka muuqatay murugo, waxaana uu Radio ERGO u sheegay
” walaahi dareenkeyga lama soo koobi karo meeshaan, masiibo qaran ayaa ka dhacda, waxaan dareemi karaa mustaqbalkii dalka somaaliyeed inuu ku baa ba’ay inshaa allah lakin insha allah tacaalaa ma baabi’ doono waana ka kabsan doonaa ardeyda tira ahaan hada cadad kooban aan ku dhoho masheegi karo ma hayo tiro cayiman laakin ku dhawaad sida hada aad meeshaan uga jeedaan waxay u badan yihiin dadkan mesha yaala ardeyda ayey u badan yihiin 14 qofood ayaa halkaan taalo” ayuu yiri
Ninkaas dhalinyarada ah oo sharaxayay shuruucta iyo rajada ay qabeen arday ka hor qaraxa ayaa sheegay” Maashaa allah ardeyda aad ayaa waxaa wajigooda ka muuqatay farxad ay ku faraxsanyeen natiijadii ay intaas oo sano usoo halgamaayeen oo ay manta sugayeen inay natiijadaas”
Qasaara dhimashada ee qaraxaan ayaa ka badan 50 ruux dhaawacana wuxuu ka badan yahay 150 kale oo dhaawacyo ah, Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu xooganaa ee magaalada Muqdisho ak dhaca in muddo ah.
Dhinaca kale Isu duwaha QM ee kaalmada bani’aadaminimada dalka Soomaaliya Mark Bowden ayaa sheegay in uu aad uga murugeysanyahay dadka rayidka ah ee naftooda ku waayay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Mr Mark Bowden ayaa tilmaamay in aan lagu deg degi Karin in weerarkaasi uu saamayn ku yeelan karo iyo inkale howlaha bina’aadanimo ee ka soconaya magaalada Muqdisho.
Yusuf Keynaan/MG