Fatahaad uu sameeyay webiga Jubba oo baabi’iyay dhul beereed lagu qiyaasay in ka badan 20 kun oo hiktar ayaa sababay inay shaqo la’aan soo wajahdo haweenka ka ganacsada khudaarta ee suuqyada Baardheere iyo kuwa beeraleyda ah.
Madiina Mustafa oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Khudaarleyda ee suuqa Baardheere ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijisay in 500 oo haween ah oo khudaarta iibin jiray ay suuqa ka baxeen, kaddib markii ay saameysay fatahaad uu sameeyay webiga Jubba, oo hadda ay suuqa ku soo hartay 50 haween ah oo keliya.
Dahabo Barre oo ka mid ah suuqleydaas ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in shaqo la’aanta ay ugu wacan tahay fatahaadda oo sababtay inuu sare u kaco qiimaha khudaarta. “Khudaarta toddobaad ka hor tanageedii 40,000 oo shilin Soomaali ah buu ahaa, maantana 200 oo kun oo shilin buu marayaa,” ayay tiri. Waxay xustay in ay haweenka khudaarta ka amaahan jireen beeraleyda, oo marka ay sii iibiyaan ay lacagta dib ka siin jireen, balse hadda ay suuqa ka baxeen maadaama ay beeraha ku baaba’een fatahaadda.
Beeraha cabbirkooda lagu qiyaasay labaatanka kun ee hiktar ee ku baaba’ay fatahaadda waxaa intooda badan ku abuurnaa khudaar noocyo kala duwan leh.
Faaduma Axmed oo ah hooyo haysata 8 carruur ah, oo beeraley ah sidoo kalena ka ganacsata khudaarta ayaa ka mid ah haweenka ay fatahaaddu saameysay. Beer uu cabbirkeedu yahay afar hiktar ayay ku lahayd tuulada Bandar oo 3 km u jirta Baardheere. “Waxaa ii beernaa yaanyo, barbarooni, basal iyo khudaar kale, beerta oo noo soo go’day wax aan ka hayno ma leh, wixii oo dhan biyo ayaa galay,” ayay tiri Faaduma oo la hadashay Raadiyo Ergo.
Faaduma miiska ay khudaarta ku iibiso waxay maalintii ka heli jirtay 150 kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $7, beertana waxaa maalintii ka soo geli jirtay 230 kun oo shilin oo u dhiganta $10. Waxay lacagtaas ku maareyn jirtay nolosha qoyskeeda, balse waxay sheegtay inay hadda suuq xumo haysato oo khudaar aan badneyn oo isku soo ururisay ay maalintii ka soo gasho lacag aan ka badneyn 45,000 ($2).