Ugu yaraan 32 qof oo ka mid ahaa in ka badan 100 ruux oo tahriibayaal Soomaali ah oo maalinnimadii jimcihii ay dhaawacyo ku soo gaareen gaari ay ku socdaalayeen oo la qalibmay iyagoo ku sii jeeda magaalada Tripoli ee caasimadda waddankaas ayaa lagu soo warramayaa in xaaladdooda ay ka soo raynayso.
Shilkaas waxaa ku geeriyootay 16 qof sida uu inoo xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Liibiya Cabdiaqani Maxamed Waceys. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa waxyeellada ugu badan ay soo gaartay ka dibmarkii ay ku duntay shamiinto lagu soo raray gaariga oo qeybta kore la soo saaray. Muhaajiriintan ayaa la sheegay in ay qaarkood neef qabatimoobeen.
Cabdiqani Maxamed Waceys ayaa ayaa sheegay in dhammaan meydadka iyo dhaawaca shilkaas la aqoonsaday, isagoo tilmaamay in dhaawacyada haatan lagu daweynayo isbitaal ku yaalla deegaankaas, halka qaar ka mid ah ay isbitaalka ka soo baxeen ka dib markii laga daaweeyay dhaawacyo fudud.
“ Waa arrin naxdin badan, mana ah manta oo kaliyah, aniga safaarad ahaan waxaan ka codsanaynaa in waalidiinta ay gacan naga siiyaan in aan badbaadinno carruurtan maalin walba sida macne darrada ah ku dhimanaysa” ayuu yiri safiirka.
Muhaajiriinta oo isugu jiray Soomaali, Eriteriyaan iyo Itoopiyaan ayaa waxa ay ka soo socdaaleen magaalada Ajdabiya oo qiyaastii 800 Km bariga ka xigta magaalada caasimada ah ee Tripoli, waxaana dhamaantood la sheegay in ay ku sii jeedeen caasimadda.
MG/CC