Dadka ku nool degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa hadda kasoo kabanaya saameyntii ay ku reebeen colaadihii ka jiray gudaha degmada iyo nawaaxigeeda isla markaana did u dhisanaya noloshooda, sida uu raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha degmadaasi Cabdixakiim Xaaji Cumar.
“Degmada Afmadow waa degmo ballaaran oo dad badan ay ku nool yihiin, dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka jiray dagaallo saameeyay dadka rayidka ah, hase yeeshee hadda dadku way soo kabanayaan rajadooda mustaqbalkana ma xuma, xoogaa gaargaar ahna way heleen,”ayuu yiri guddoomiyuhu.
Cabdixakiim ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo colaadihii iyo abaarihii soo maray dadka iyo deegaanka ay galaafteen hanti wixii ay dadku lahaayeen, haddana dadka ku nool degmada Afmadow iyo agagaarkeeda ay hadda bilaabeen inay dhaqdaan hanti wixii u badbaaday oo ay dib usoo ceshadaan noloshoodii hore.
Dhanka kale degmada Afmadow waxaa ka jirta baahi dhanka caafimaadka ah, ayadoo uusan si rasmi ah u shaqeyneynin isbitaalka guud ee degmada.
Dagaallo iyo abaaro isbiirsaday oo ragaadiyay noloshii dadka iyo duunyada ayaa in muddo ah ka taagnaa deegaanno ka tirsan gobbolka Jubbada Hoose, waxaana hadda deegaannadii ay colaadaha iyo abaaruhu ku dhufteen ka jirta nolol wax yar dhaanta tii hore.
Khadar Maxamuud Xareed/FM