Qoysas isagu jiray xoolo dhaqato iyo beeralley oo degganaa tuulada Buufow oo ilaa 5km u jirta deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa dhowaan bilaabya inay ammaan darro darteed uga barakacaan deegaannadooda, ka dib markay halkaas soo degeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Qoysaskan oo tiradoodu ay gaareyso 300 oo qoys ayaa ku sheeganaya iney tuuladii ay degganaayeen ay noqotay furin ciidan, sidaa daraaddeed ay ammaankooda u baqanayaan.
Maxamed Axmed oo ka mid ah dadka deegaankaasi oo u warramayay raadiyo Ergo ayaa yiri “Waxaan barakaca bilownay markii tuuladeneenni ay noqotay saldhig ciidan oo ciidamo ay soo dageen, sidaa darteed baannu qaxnay, waxaana ku dhibaateysannahay dhul bacaad ah oo u dhaxeeya Marko iyo Buufow, runti barakacana wuxuu nagau yeeshay saameyn nololeed oo daran.”
Aamino Cali oo iyadana ka mid ah qoysaskaas barakacay ayaa sheegtay in dhibaatada ugu badan xilligan ay tahay dhinaca helitaanka biyo nadiif ah waxayna tiri “Markii aan u adkeysan waynay dhibaatada tuuladeenna ayaan si aan nafteenna u badbaadinno go`aansannay inaan soo qaxno, biyaha oo aan nadiif ahaynna waxaan u doonannaa meel aad u fog.”
Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowaan ururka Al-shabaab kala wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Miwodga Afrika ee AMISOM.
Aadan Diyeeshe/FM/AM