Wararka laga helayo magaalada Ndola ee dalka Zambiya ayaa sheegaya in xaaladdu ay iminka tahay mid xasilloon ka dib rabshado iyo bartilmaameedsi ka dhan ah Soomaalida oo dhowaan halkaasi ka dhacay.
Dhowaan ayaa ganacsade Soomali ah uu dil u geysatay nin dalkaasi u dhashay oo u shaqeynayay, ka dib markii uu mushaar weydiistay dhowr jeer, taasina waxay dhalisay rabshado baahsan oo sababay in la dhaco dukaamo ay Soomaali halkaasi ku lahaayeen, gawaaridooda la gubo, lana burburiyo guryahooda. Ciidamada ammaanka dalkaasi ayaa markii dambe goobta soo gaaray, iyagoo kala ceyriyay dadkii Sambiyaanka ahaa ee careysnaa, isla markaana rabshadaha sameynayay.
Qalalaasahaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa toddoba ruux oo Soomalia ah, sida uu raadiyo Ergo u xaqiijiyay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Zambiya, Cabdirashiid Sheekh Xasan, wuxuuna sheegay ina xaalad degganaansho ah ay jirto, hase ahaatee aan caga badan ku taagnayn.
“Xaaladdu hadda aad ayay u deggan tahay, laakiin waa mid aan laysku hallayn Karin, waxaa jira dibad baxyo la abaabulayo kuwaasoo saamayn kara magaalada indhola ee rabshaduhu ka dheceen, sicir barar ayaa wadadnka kajira waxaa lagayaabaa in dib ay usoo laabtaan rabshadihii magaalada Ndola ee dalka Zambiya.”
Faaduma Cali Nuur, oo deggan magaalada Ndola ayaa sheegtay “Dadkii joogay magaalada oo dhan ayaa nagu soo dareeray, mid baangad sita iyo mid bir wata, guryihii ayay noogu soo galeen, wixii ay qaadan karayeen ayay qaateen, baabuurtana way gubayeen, guryaha intay alaabta bannaanka uga saaraan ayay gubayeen.”
Waddanka Zambia ayaa waxaa deggan Soomaali badan oo ganacsato ah, kuwaasoo dalkaasi degganaa muddo dheer, sidoo kalena waxaa ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo deggan xerada qaxootiga Maheeba.
Faarax Dubbad/FM/AM