Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool xerada Marataani oo ku taalla waqooyiga dalka Musambiig, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka cabanayay biyo yaraan, ka dib markii ay go`een amaba gureen ceelashii ay biyaha ka heli jireen.
Cabduldaadir Cumar Cali oo ka mid ah dadka ku nool xeradaasi ayaa isagoo u hadlaya radio Ergo yiri “Biyo yaraantan in ka badan hal bil bey xeradan Marataani ka taagneyd, waxaan hadda biyaha ka doonannaa meel aad uga fog xerada.”
Waxaa xerada Marataani ku yaalla hal ceel oo ay dadka qaxootiga ah u qodday QM, waxayse ka cabanayaan qaxootiga Soomaaliyeed in ceelkaasi biyihiisu ay dhanaan yihiin, isla markaana aysan nadaafad ahaan wanaagsaneyn.
“Waxaana toddobaad kiiba galnaa feyl aad u dheer si aan u helno biyo, xerada waxaa ku nool qaxooti aad u badan, kuwaasoo qudhooda aan dhibaato kala kulanno marka ay timaaddo saf u gelidda biyaha.” Sidaasi waxaa tiri Caasho Axmed, oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed eek u nool xerada Marataani.
Dhibaatadan dhanka biyaha ah ee ka jirta xeradaasi ayaa waxay saameysya dhammaan qaxootiga ku jira xeradaasi, iyadoo ay u sii dheer tahay kuleyl aad u daran oo halkaasi ka jira.
Faarax Dubbad/FM