Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada ku yaalla dalka Libya ayaa sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay ku haystaan gudaha xabsiyadaasi, iyagoo sheegay in jirdil halkaasi loogu geysto.
Dhallinyaradaan oo u warramayay idaacadda Ergo iyagoo ku sugan xabsi ku yaalla magaalada Misrata ee wadanka Liibya ayaa sheegay in loo geysto tacaddiyo, halka qaar ka mid ah maxaabiis Soomaali ah ay ilaalada xabsiyada ku dhufteen xabbado, taasoo keentay in qaar ka mid ah ay geeriyoodaan.
Mid ka mid dhalinyaradaas ku xiran xabsiga Misrata oo la hadlayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in xabsiga ay ku jiraan muddo ilaa saddex bilooda, wuxuuna sheegay isaggoo in laga soo qabtay dhanka badda xili ay doonayeen iney ka gudbaan biyaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga.
“Waa nalagu shaqaystaa, gabdhaha waa la faraxumeeyaa, dhibaato badan ayaa halkaan ku qabnaa ” ayuu yiri wiilkaas dhalinyarada ah.
Waxaa kaluu noo sheegay in rag dhallinyaraa oo door ahi xabsiyada dhexdooda lagu dhaawacay markii xabbado lagu riday, iyagoo qaar kalena ay dhinteen. Dadka uu wiilkan xabsiga ku jiraa noo sheegay waxaa ka mid ah: Maxamad Mallaay oo Boosaaso ka soo tahriibay oo la dhaawacay, sidaas si la mid ahna la dhaawacay nin lagu magaabo Bashiir oo xabbad lagu dhuftay. Waxaa isana jira nin lagu magacaabi jiray Abwaanka oo Hargeysa ka soo tahriibay oo u geeriyooday xabbad ay rideen ciidamada xabsiga Liibiya.
Maxamad Laami oo isna ka mid ah maxaabiista Soomaalida ee ku jirta xabsiga Misrata ee waddanka Libya ayaa Ergo u sheegay in isagu uu soo maray xabsiyo kala duwan kuwaasoo oo u dhexeeyay ilaa bishii Maarso, isagoo sheegay xabsiyada uu soo maray ay gaarayaan ilaa shan xabsi, jirdil bandanna loo geystay.
“Waxaan quudanaa dil, haweenka waan u adkaysan la`nahay sida loo dilayo, anagana koronto ayaa nalagu qabtaa,” sidaana waxaa yiri Cabdirashiid oo sheegay in uu ka soo tahriibay magaalada Hargeysa.
Dhanka kale xiriir aan la samaynay mas`uuliyiinta safaaradda Soomaalida ay ku leedahay waddanka Libya ayaa sheegay in aanay jirin wax kufsi ah oo loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada wadadnaka Libya.
Muxidiin Maxamad Kaalmooy oo ka mid aha mas`uuliyiinta safaarada Soomaalida ee wadanka Libya, wuxuuna sheegay in uu soo booqday xabsiyo ay ka mid yihiin Safraata, Sarmaan, Zaawiya, Duqeysha Qubus Ilaa Misrata oo uu sheegay in ay ku jiraan boqolaal maxaabiis Soomali ah.
“Meel aana tagin malaha, waxaana aan soo wareystay oo aan la kulmay gabdhaha halkaasi ku jira ma jirto wax ii sheegay in la kufsaday, waxaan idiin sheegayaa in dhammaan gabhaha xabsiyada laga sii daayay ka dib markii aan wadahadal kala samaynay mas`uuliyiinta Libya,” ayuu yiri sarkaalkaas ka tirsan safaaradda.
Kaalmooy ayaa sidoo kale sheegay in ay dhacdo in dhallinyarada mararka qaar la garaaco ama xabbado lagu dhufto taasina waxaa keenaysa ayuu yiri iyadoo ay maxaabiistu isku dayaan in ay ka cararaan xabsiyada oo ay ka boodaan darbiyada.
Ugu dambayntii Kaalmooy oo dhawaan loo magacaabay wasiirka wasaaraddaa Hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo guryaynta DFS ayaa sheegay in inta uusan us oo wareegin xamar uu ka shaqayn doono sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista Soomaalida ee ku haray xabsiyada dalka Libya.
Abdisamad Abdulkadir Farah /MG/