158 MILYAN EURO OO SOOMAALIYA LOOGU DEEQAY

0
111

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub,  wuxuu  Soomaaliya u  ansixiyay sanadka 2012ka kaalmo wadajir ah, taasoo cadadkeeda lagu sheegay 158 milyan oo lacagta Euro-ga ah.

Midowga Yurub ayaa sidoo sheegay inay dib u eegid ku sameeyeen deeqihii ay siin jireen Soomaaliya, iyadoo kordhisay lacagtii loogu talagalay horumarinta Soomaaliya oo markii hore ahayd 212 milyan, tanoo haatan la gaarsiiyay 412 milyan.

Barnaamijkan ayaa waxaa meelmariyay 27 dowladood oo xubno ka ah MY, waxaana dhaqaalahan uu yahay midka ugu ballaaran ee deeq ahaan loo siiyay Soomaaliya.

Michele Cervoned Urso, oo ah ergayga gaarka ah ee MY ugu qeybsan Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagahaas ay wax weyn ka tari doonaan nolosha dadka.

Badi dhaqaalahan ayaa waxa lagu bixin doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin taageero siinta qeybaha xukunnada iyo amniga, oo loo qoondeeyay 39 milyan, barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta iyo adkeynta nolosha dadka ayaa waxaa ku bixi doonta 42 milyan, howlaha ammaanka cuntada iyadooo loo marayo maareynta dhulka daaqsinka ah ee deegaannada Puntland ayaa waxaa ku bixi doonta 25 milyan,  barnaamijyada horumarrinta qeybaha waxbarashada ayaa waxaa iyadana lagu bixin doonaa 30 milyan, taageerada dimuqraadiyeenta ayaa waxaa loogu talagalay adduun dhan  14 milyan, lacagta iyo taageero farsamooyinka iyo howlmaalmeedka ayaa iyadana waxaa loogu talagalay 8 milyan.

Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu ballaaran ee kaalmooyinka siiyay Soomaaliya, sanadkan 2012ka.

MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here