Kaamamka barakacayaasha ee la isku yiraahdo Bariga Boosaaso oo ka kooban 10-kaam, waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 40,000 oo barakacayaal ah, kuwaasoo laga soo rarey kaamam ku yaallay hareeraha iyo bartamaha magaalada, waxaana loo rarey dhulka buuralleyda oo qiyaastii cabbir ahaan ah 10-km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso.
Barakacayaashan ayaa xilligan waxay ka cabanayaan xaalado nolol xumo oo la soo gudboonaaday, kuwaasoo ay ka mid yihiin biyo la`aan, cunto yari, waxbarasho la`aan, caafimaad darro iyo hoy la`aan. Waxaa intaasi u sii dheer dabab joogta ah oo xilliga xagaaga baabi`iya guryaha ka sameysan bacaha iyo cooshaanta ee ay ku nool yihiin dadkan barakacayaasha taasoo ay sababto dabeylaha xagaaga ee Boosaaso.
Dabab is xigxigey oo dhowaan ka kacay 3-kaam oo ku yaalla bariga Boosaaso oo ah halka ay ku nool yihiin qoysaska ugu badan ee barakacayaasha ayaa waxaa ku gurya beelay 990 qoys, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Cali Barre Ismaaciil, oo ah xiriiriyaha 32-da kaam ee ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah.
“Dabka dhibaatooyiin badan ayuu geystay, kaamka Buulo-mingis 270 guri ayaa gubatey, kaamka Ajuuraan 260 ayaa gubtey, kaamka Buula-eelaay 460-guri ayaa gubatey, dadka dhibaatada ugu daran heysata waa barakacayaasha isaga yimid gobollada dalka, gaar ahaan agoonta naafada iyo waayeelka.”
Duqa degmada Boosaasoo Xasan Cabdalla Xassan, ayaa qeylo dhaan cod dheer ah u direy hay`adaha samafalka, kuwa dawliga ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka codsadey in la soo caawiyo qoysaska dhibaateysan ee taagan cadceedda iyaga oo aan heysan wax gabbaad ah.
“Dhibaatadan dabka waxay saameysay dad fara badan oo ku noolaa kaamamka gubtey, waxayna u baahan yihiin dhar cunto hoy iyo dawo, waanu la socodsiinney cidkasta oo aan is laheyn wax bey ka tari kartaa, hase yeeshee illaa iminka wax soo gaarey majiraan, cidkasta oo diyaar u ah inay wax uqabato dadkan diyaar ayaan u nahay in aan lashaqeyno.“
Booqasho aan ku tagney 3-da kaam ee Buulo-mingis, Ajuuraan iyo Buula Eelaay ee bariga magaalada Boosaaso, oo ay dhowaan qabsadeen dabab xooggan oo ay ku guryo iyo hanti beeleen boqollaal qoys oo barakacayaal ahaa ayaa waxaanu halkaasi kula kulanney qaar kamid ah qoysaskii waxyeellada ay kasoo gaartey dabka.
“Magaceygu waa Shukri Salaad Jaamac, meeshaan ayaan isaga nool nahay, waxaan heysannay way naga gubteen, meeshaan ayaan ku dhibaateysannahay.“
Ma jirto cid ku geeriyootey dababkan bambasta ka dhigay guryahii ay ku noolaayeen dadkan barakacayaasha, laakiin waxaa ku bas beeley hoygii iyo dharkii ay huwan jireen. sanad kasta waxaa ka dhaca 32-da kaam ee ay ku noool yihiin dadka barakacayaasha ee ay tiradoodu kor u dhaafeyso 60,000 dabab geysta khasaaro isugu jira naf iyo maal, iyadoo dababkan ay ka dhashaan dabeylaha xooggan ee bilaha xagaaga ah.
Axmed Soomaali/FM