Ugu yaraan lix ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay degaanka lagu magacaabo Janaay cabdalla oo qiyaastii illaa 50km u jira degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in lixdaan ruux ee la dilay ay ahaayeen xoolo dhaqato ku sugnayd ceel ku yaalay degaanka lagu magacaabo Janaay Cabdalla ama birta dheer halkasoo ay u joogeen arrin ku saabsan sidii loo hagaajin lahaa ceelka isla mar ahaantaana ay xoolahooda uga waraabsan lahaayeen.
Cabdi khayr oo ah aabbaha mid kamid ah ragii halkaasi lagu dilay ayaa idaacadda Ergo u sheegay in ragaasi ay dileen ciidamada dawladda Kenya,isagoona sheegay in dhammaantood ay ahaayeen xoolo dhaqato ka soo jeedda degaanka.
Aniga ayaa la hadlay wax yar ka hor intaan la dilin raggaasi, shaqana kuma laha dagaal , waxay halkaasi u joogeen xaaalad ku saabsan ceelka,dhammaan ragga dhintay waan aqaanaa ,ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa meesha soo degay dagaal ayaa si kadis ah uga dhacay meesha , sidaana waxaa ergo u sheegay Cabdi khayr oo ah aabbaha mid kamid ah ragaasi la dilay.
Cabdi khayr ayaa intaasi ku daray in ciidamada Kenya ay qabteen raggaasi isla markiina iyagoo aan wax weydiin ay iska dileen, xitaa ciidamada Soomaalida waxay ii sheegen in ay aad uga xumaadeen mana ahan ayay yiraahdeen markii ugu horreysay ee ay ciidamada Kenya rag sidaan oo kale ay isaga dilaan, waana daba galaynaa, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi khayr.
Haddaba dilkaan oo lagu eedeeyay in ay geysteen ciidamada dawladda Kenya ee ku sugan degaanka Janaay Cabdalla ayaa waxaan arrintaas kala xiriirnay oo aan wax ka weydiinay afhayeenka ciidamada AMISOM Afhayeenka ciidamada AMISOM, Cali Aadan Xaamud oo ku sugan magaalada Muqdisho. Af hayeenka oo la hadlayay Ergo ayaa sheegay in arrintaasi aanay haynin xaqiiqdeeda balse ay baaritaan ku wadaan.
“Ma dhici karto in AMISOM ay shacabka Soomaaliyeed ay dhibaateyso,dhaqankeena maahan,kumana jirto sababaha loo soo tababaray ciidamadeena,AMISOM waxay soo qaateen tababaro la xiriirra bini,aadanimada,waana loo soo caddeeyay ciidamada sidii ay u ilaalin lahaayeen shacabka sidaana waxaa Ergo u sheegay af hayeenka AMISOM isagoona intaasi ku daray in wax kasta oo dhacaba in tallaabo laga qaadi doono isla mar ahaantaana si wanaagsan loo xaqiijin doono.
“Tallaabooyinka aan qaadi doono wa aayar,waan ka fiirsanaynaa,shacabkana waan kala xaajoonaa wax kasta ooaan rabno inaan samayno, sidaas darteed kama hor dhici karo baaritaanka , anaga ayaana idiin soo sheegi doona waxa uu ku dhamaado baaritaankeena amaba ka soo baxa ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay af hayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xaamud.
Si kastaba ha ahaatee maalinimadii shalay ayay ahayd markii illaa lix ruux lagu dilay degaanka Janaay Cabdalla ama Birta dheer, halkaasoo mudooyinkaan dambe fariisin u ah ciidamada dawladda Kenya iyo kuwa Raas kambooni iyo ciidamada dawladda.