UNICEF: Dhimashada carruurta ka yar shanta sano hoos ayey u dhacday 20kii sano ee la soo dhaafay

0
92

Sanduuqa badbaadada carruurta qaramada midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in dhimashada carruurta ka yar shanta sano ay hoos u dhacday 20-kii sano ee la soo dhaafay, 14 kun oo carruur ah wax ka yar ayaa maalintii u dhimata cudurrada dabaysha, jadeecada iyo duumada.

inkastoo malaayiin carruur ah noloshooda la badbaadiyey, ayaa haddana 19 carruur ah oo ka yar shanta sano ay maalintii u dhintaan cudurro laga hortegi karo. UNICEF ayaa ku macnaysay hoos u dhacaan ku timid dhimashada carruurta dadaallo badan oo wax looga qabtay cudurrada
dilaaga ah iyo waddamada saboolka ah oo xoogaa la hagaajiyey daryeelkooda.

UNICEF ayaa sidoo kale warbixintaan ku sheegtay inay awooddooda isugu geynayaan sidii ay ula tacaali lahaayeen wax ka qabashahda cudurradaan laga hortegi karo ee dila carruurta, warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in waddamada saxaaraha ka hooseeya ee Afrika 5-tii cunugba mid dhinto intuusan gaarin shan sano jir.

Warbixinta ayaa diiradda saareysa dadaalka caalamku ugu jiro dhammeynta dhimashada carruurta ee cudurrada laga hortagi karo. Bishii June sanadkan, shir looga hadlayay badbaada carruurta ayaa lagu boorriyay dowladaha iyo la howlgalayaasha inay saxiixaan ballan qaad ah in tallaabooyin wax ku ool ah loo qaado dhanka badbaadada carruurta.

Illaa iyo hadda, 104 dowladood- in ka badan kala bar waddamada dunida – ayaa saxiixay codsigaasi, iyo sidoo kale 174 ururrada bulshada ah iyo  in ka badan 250 hoggaamiyeyaasha diinta ah.

Agaasimaha joogtada ah ee UNICEF, Anthony Lake, ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid dhimashada carruurta yaryar ay ka qeyb qaateen sidoo kale dowladaha, deeq-bixiyeyaasha, hay`adaha iyo qoysaska.

Wuxuu ku baaqay agaasimuhu in nolosha carruurta lagu badbaadin karo iyadoo la sameynayo tallaal, nafaqo ku filan, daryeelka hooyada uurka leh iyo adeegyo caafimaad oo tayeysan.

FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here