Kulankani looga hadlaayey caawinta muhaajiriinta isku dhafka ah ee soo gaara Puntland oo ay soo qaban qaabisey hayada muhaajiriinta caalmaka ee IOM ayaa loo qabtey 21 wariye oo ka kala socdey warbaahinta qeybaheeda kala duwan ee ka howl gasha deegaannada Puntland.
Ujeeddada tababarkaan ayaa ahaa sidii warbaahintu ay uga qeyb qaadan Lahayd dadaallada la doonayo in lagu joojiyo waxyeellada ay la kulmaan muhaajiriinta isku dhafka ah sida dilalka, dhaca, kufsiga, afduubka iyo meel ka dhaca xuquuqda muhaajirka.
Agaasimaha guud ee hay`adda dowliga Puntland u qaabilsan wax ka qabshada muhaajiriinta isku dhafka ah ee MRC, Maxamuud Sheekh Ciid oo ka hadley kulankan ayaa yiri.
“Waxaan u rajeyneynayaa weriyeyaasha in kulan kan laga dhexlo faa`iido waxgal u ah muhaajiriinta socotada ah, iyo in bulshada boliiska iyo hay`adaha sharci dajinta aad dareensiisaan xuquuqda muhaajiriinta ay leeyihiin, maaddaama weriyeyaashu ay yihiin dadka u hiilliya dulmanayaasha iyo dadka taagta daran.”
Simona Opitz, oo ah madaxa warfaafinta hay`adda IOM xafiiskeeda Soomaaliya ayaa ka sheegtey tababarka, waxayna sheegtay in tirada muhaajiriinta soo gaareysa Puntland ay aad u farabadan tahay loona baahan yahay in lasoo dhoweeyo.
“Sidaan ognahay Puntland waxaa soo gaara muhaajiriin isku dhaf ah oo ka tahriiba xeebaha gobolka, iyadoo lagu qiyaasey bishiiba inay ka tahriibaan dad gaaraya 2,000 oo qof. Halka sanadkii hore bishiiba ay ka tahriibi jireen 2,500 oo qof, tani waxay muujineysaa in aan weli isbeddel weyni ku imaan dadka tahriibaya.”
Tirada guud ee Soomaalida u tahriibtey dalka Yemen sanadkan 2012-ka, waxay kor u dhaafeysaa 12,568 qof, halka tirada guud ee dadka Itoobiyaan-ka ee u tahriibey Yemen ay iyana kor u dhaafeyso 51,255, sida ay sheegtay afhayeenka IOM ee Soomaaliya.
Qaar ka mid ah weriyeyaashii kasoo qeyb galay kulankan halka maalin ahaa ee looga arrinsanayey samata bixinta dadka muhaajiriinta ee soo gaara gobollada Puntland oo ay soo qaban qaabisey hay`adda IOM ayaa sheegay in kulanka la isku weedaarsaday macluumaad fara badan, la iskuna afgartey in weriyeyaasha ay door muuqata ka ciyaaraan arrimaha muhaajiriinta sida uu Raadiyo Ergo uu usheegay weriye Cabdinaasir Siciid Maxamed oo kamid ahaa wariyayaashii ka qeyb galay kulankaasi.
Gabagabadii, tababarkaan ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo ay ka mid yihiin, dhowrista xuquuqda dadka muhaajirka ah iyo kuwa tahriibta, inaan si qasab ah lagu tarxiilin dadka qaxa ku yimaada Puntland iyo in tallaabo laga qaado dadka caadeystay daabulka iyo ka ganacsiga tahriibta, iyada oo aan la dhibaateyneyn dadka tahriib doonka ah, waxaa sidoo kale lagu xusey baaqa in la ilaaliyo xuquuqda dadka qaxootiga ah, iyadoo la isla gartey in wacyigelin loo sameeyo bulshada si ay u ilaaliyaan xuquuqda muhaajiriinta.
AS/MH/FM