Haweenka ku nool deegaanka Gidheeys oo illaa qiyaastii 30km dhanka koofur bari kaga beegan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduu, ayaa ka cabanaya xaalado xagda nolosha ah oo la soo darsay gaar ahaan xilliyada dumarka ay foosha ku timaado taasoo ay kala kulmaan haweenkani dhibaatooyin faro badan oo ay ka mid tahay dhimasho iyo dhiig bax fara badan.
Salaado Dhoorre Shuuriye waa guddoomiyaha ururka farshaxanka ee haweenka ku nool deegaankaasi, waxayna sharraxaad ka siisay Raadiyo Ergo dhibaatooyinka ay qabaan “Marka hore baahida aan qabno waxaa ka mid ah biyo la`aan, annagu waxaan cabnaa biyahaas biirta ah oo ceelka laga soo saaro, matoorro malihin isbitaal ma lihin, gabdhaha guryaha dhexdooda ayaan isga dhalinnaa oo haweeneydii xoogaa hilible h ayaan dhahnaa ku fadhiiso, si canugga uu dibadda u yimaado,” Ayay tiri Salaado.
Salaado Dhoorre ayaa Sheegtay inay jiraan hay`ado soo gaaray deegaankooda kuwaasoo soo gaarsiya gargaar raashiin iyo waxbarasho isugu jirta, laakin waxay hoosta ka xarriiqday in aanay jirin dadaal ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka dumarka foolanayo oo ay ku tilmaantay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan dhibaatooyinkaasi.
“Innagu waxaan nahay dad dumar ah oo ma sameyn karno ceel, hay`adihii inoo yimidna waxay inoo keeneen raashiin masaggo iyo galleey isgu jira, waxayna noo fureen Iskuullo laakiin weli hay`ad na tiri ceel iyo wax la mid ah ayaan idiin qodeynaa ma jirto,” ayay hadalkeeda ku dartay.
Ugu dambeyn waxay codsi u dirtay cidkasta oo Soomaaliyeed oo wax ka qabn karta dhibaatooyinka ay qabaan in dumarka ku nool deegaanka Gidheeys ay gacan ka siiyaan samata-bixintooda, gaar ahaan caafimaadka iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bini`aadamka.
Deegaanka Gidheeys waa deegaan ay ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah, inkasta oo ay in ka yar 30km u jiraan magaalada Cadaado haddana waa tuulo ay dadkeedu noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha, waxaa ka jira goobo waxbarasho oo arday fara badan ayaa u dareera tacliinta laakiin kama jirto xarun caafimaad xitaa farmashiye, waana dhibaatada ugu weyn ee ay qabaan dadka ku nool tuuladaasi.
Cumar Xabeeb Nuur (Teacher)/FM