Barakacaasha ku sugan degmada hodan oo dhibaatooyin haystaan

0
119

Degmada Hodan oo kamid ahayd degmooyinka sida daran ugu burburay dagaaladii afartii sano ee lasoo dhaafay kadhacayay magaalada Muqdisho ayaa tan iyo sanadkii hore waxa ay hoy u noqotay kumanaan ruux oo ah barakacayaal, kuwaasi oo buushash ka dhaxdhistay qolfoofyada daarihii dirarta ku dumay.

Barakacayaasha degmadaasi ku sugan waxa haatan haysta mushkilado isbiirsaday oo isgu jiray caafimaad daro, aasaaskii nolosha oo aanay haysan iyo baco ay uga gabaadaan kulka qoraxda iyo dhibacda roobka oo aan waayahaan helin.

Axmed Cabdi Dhabaney oo ah gudoomiyaha degmada Hodan ee dowlada kumeelgaarka ayaa Radio Ergo u xaqiijiyey in todobaadkan gudihii ilaa todobo carruur u badan ay xaalado kala gedisan xeryahaasi ugu dhinteen.

Qaar kamid ah dad barakacayaasha oo aan ku booqday xeryohooda ayaa waxa ay u badnaayeen qaar kasoo barakacay ceelsha biyaha, waxaana aan wax ka weydiiyey mushkiladaha ugu adag ee hada haysta waxa ay yihiin

Gudoomiyaha degmadda Hodan ayaa ugu baaqay Soomaalida iyo heyadaha gargaarka in ay degdeg dadkaasi gurmad kala duwan ula soo gaaraan

Degmada Hodan waxa horay uga dhacay dhacdooyin kala duwan oo dhibaato ay kasoo gaartay barakacayaal iyo dad rayid ah kadib markii iska hor imaadyo ay dhaceen xili lagu guda jiray gargaar bixin hadaba arintaasi wax ma u  dhimi kartaa sidii dadkaasi gargaar loo gaarsiin lahaa gudooyiha degmada hodan ayaa markale kahadlaya

Heyadaha gargaarka ee qaramada midoobay qaarkood waxay todobaadyadii ugu danbeeyay soo saareen digniino ku saabsan in abaarihii dhacay sanadkii hore ay dib u soo labakacleynkaraan, barakacayaashii horey uga soo cararay abaartii sanadkii tegey ayaa quud daraynaya inay dib ugu laabtaan goobahoodii intay ku saxiiri lahaayeen guddaha Muqdisho.

Yusuf Keynaan/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here