Qasaarooyin ka dhashay jidgooyo loo dhigay kolonyo gaadiid oo uu la socday madaxweynaha dkmg soomaaliya.

0
91

Inta la xaqiijiyay illaa saddex ruux oo mid kamid ah uu ahaa askarta ciidanka DKMG Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tira kalana waxaa soo gaaray dhaawacya kala duwan,kaddib markii kooxo hubaysani ay wadada xiririsa Muqdisho iyo Afgooye ay u galeen kolonyo gaadiid ah  oo uu la socday madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmad.
Is rasaaseyntaan  dhex martay ilaalada  madaxweynaha iyo kooxaha weerarka soo qaaday ayaa lagu soo warramayaa in ay ka dhacday degaanka loo yaqaano calamada oo kamid ah degaanadii dhawaan lagala wareegay ururka Alshabaab.

Wariyaheena Yuusuf Kaynaan oo isagu la socday kolonyadaasi ayaa sheegay in kolonyadaasi  uu la socday madaxweynaha DKMGS  ay qayb ka ahaayeen qaar kamid ah golaha  wasiirada DKMG Soomaaliya iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu sheegay in madax weynuhu uu si lama filaan ah ugu dagay degaanka Ceelasha biyaha, kadibna uu halkaasi kula hadlay qaar kamid ah ganacsato halkaasi ganacsi ku haysatay isagoona kula dardaarmay in ay gacan ka geystaan ammaanka, sidoo kale degaanada uu booqday madaxweynaha waxaa ka mid ah degaanka Calamada halkaasoo hadda ay saldhig aad u weyn ka sameysteen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMGS, intaa kaddib madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u gudbay degmada Afgooye halkaasoo ka mid ah goobaha dhawaan ay la wareegeen ciidamada DKMGS.

“Marki aan maraynay degaanka Calamada ayaa  mar kaliya waxaa na qabsaday rasaas xooggan  oo ka soo dhacaysay hareeraha waddada  dabadeedna ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa rasaas ku jawaabay,waxaan indhahayga ku arkay askar ka tirsan dawladda oo dhaawacantay ,waxaa dhintay sidoo kale hal askari ,dhanka  kale waxaa jiray barakacayaal hareeraha waddada taagnaa kuwaasoo laba ruux ay ka dhimatay dhawr kalana ay dhaawacmeen” ayuu yiri Yuusuf Kaynaan oo intaasi ku daray in indhihiisa uu ku soo arkay dhallinyara fara badan oo ka buuxda jeelka degmada Afgooye kuwaasoo ay soo xireen ciidamadu,waxaan arkaya ayuu yiri sidoo kale waalidiin badan oo aad uga murugeysan xaaladda caruurtooda la xirxiray iyagoona ii sheegay ayuu yiri in aysan dambi lahayn oo qarkood la soo qabtay iyagoo iskuul u socda qaarna balooni iska cayaaraya. Intaa kadib  saraakiisha ciidamada ayaa ii sheegay ayuu yiri in la baarayo cidii aan dambi lahayna la siin dayn doono.

Si kastaba ha ahaatee is badalkaan ka dhacay degmada afgooye iyo goobaha ay degganaayeen barakacayaasha ee u dhexeeya Muqdisho iyo afgooye ayaa wali shacabka ku nooli waxay miijinayaan dareen iyo feejignaan.

Kaynaan/AA/MH

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here