Kulan ku saabsanaa dhibaatooyinka dhanka dhulalka ay deggan yihiin qoysaska barakacayaasha ee magaalada Boosaaso kaasoo ay ka qeyb galeen guddiyada kaamamka barakacayaasha , culumaa udiin,waxgarad, mas’uuliyiin ka socotay Puntland iyo hay,adda NRC ayaa lagu qabtay magaala Boosaaso.
Kulankaasi ayaa si weyn looga hadlay dhibaatooyinka ay qoysaska barakacayaashu ku qabaan dhinaca dhulalka iyadoona ka qeyb galayaashu ay soo jeediyeen in qoysaska barakacayaasha la xurmeeyo isla markaana laga shaqeeyo sidii loogu samayn lahaa dhul ay degaan.
“ Waxay billaabeen dadku markay degaanadaan yimaadeen in ay degaan dhulal ay dad shacab ah ay lahaayeen , hadda barakacayaasha ku sugan Boosaaso waxaa lagu qiyaasaa illaa shan iyo konton kun sidaana sida ay warbixin ku soo saartay hay,adda OCCHA January 2012” sidaana waxaa kulanka ka sheegay Cusmaan Suleymaan Xaaji Yuusuf oo ah sarkaal ka tirsan hay,adda NRC,
“Dadka iska leh dhulalka waxaan u sheegayaa in ay sameynayaan qaladaad badan maxaa yeelay goobaha ay deggan yihiin dadkaani waxaa la galiyay dakhli badan kaasoo ay sameeyeen hay,ado waxaa loo dhisay musqulo waxaa loo dhisay guryo marka sidaa darted macquul maahan in waxaas oo dhan inta la baa bi,iyo in la yiraahdo banneeya dhulka ayuu yiri Cusmaan Sulaymaan oo intaasi ku daray in dadka dhulalka iska leh ay xushmeeyaan dadka masaakiinta ah.dhulkooda waan ognahay iyagaa iska leh laakiin caqli maahan in inta dadka loo yimaado in la yiraahdo hadda ka baxa oo banneeya dhulka.
Kulankaan ku saabsanaa dhibaatada dhinaca dhulalka ah ee haysata barakacayaasha Boosaaso ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Sh.CabdirisaaqXuseen Ciise isagoona yiri “Dawladda waxaa looga baahanyhay in ay dadkaan meel dejiso oo ay dhul u gaddo,waxaa ceeb ah dad islaam ah oo aad dhul siisay haddana inaad tiraahdo yaan musqulo laga dhisin waxaas war maahaan” ayuu yiri Shiikha oo la hadlayay milkiilayaasha dhulaalka.
“Dhulki qofki lahaa wuu u baahday wuxuu ku leeyahay iga guur deg deg ah taasina waxay nagu tahay dhib, haddii waqti naloo qaban lahaa ayaa nooga fiicnaan lahayd” sidaana waxaa tiri haweeney ka mid ahaa qoysaska barakacayaasha ee ka qeyb galay kulankaasi taasoo sheegtay in ay tahay markii saddexaad ee laga saaro guryahooda.
“Marki ugu horreysay kiro ayaa nalaga qaadi jiray 10,000 ayaa nalagu billaabay waa lagu daray illaa la gaarsiiyo 50,000 marka ma naqaano sida xaaladdenu noqon doonto” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah barakacayaasha ka qeyb galay shirka.
“Anaga waxaan degganahay meel la dhahaayo Tawakal waxaa naloo dhisay musqulo marka ma naqaano meel aan aadno hadda illaa 250 qoys ayaan nahay meel aan afka saarnana ma naqaano” sidaana waxaa tiri Ka roon Sh. Xuseen oo iyadu ka mid ahayd xubnihii ka socday barakacayaasha ee ka qayb galay kulanka.
Wax garad ka socday degmada Boosaaso ayaa sheegay in barakacayaashu ay ka mid yihiin dadka sidaas darteedna loo baahan yahay in la soo dhaweeyo.
Ugu dambayntii Maxamuud Maxamad Ugaas oo isagu ah isu duwaha gobolka iyo dawladda hoose ee Boosaaso isla mar ahaantaana wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland u qaabilsan arrimaha barakacayaasha gobolka Bari ayaa farriin u diray dadka guryaha iska leh isagoona ku yiri “lama barakicin karo barakacayaasha cidii doonaysa in looga guuro dhulkooda waa in ay soo wargaliyaan dadka sannad ama ugu yaraan lix bilood ka hor ”.
Ma ahan markii ugu horreysay ee qoysas barakacayaal ah oo ku nool magaalada Boosaaso laga saaro dhulkii ay degganaayeen ee marar sii horeeysay ayaa sidanoo kale qoysas barakacayaal ah oo ku noolaa kaamam ku yaala Boosaaso laga saaray dhulalkii ay degganaayeen.
Axmad Soomaali/AA