Magaalada Beledweyne oo muddo hadda ku jirtay gacanta ciidamo is garabsanaya, ayaa dadka xoolo dhaqatada ahi sheegyaan inay dhibaato ku qabaan, ka dukaamaysigoodii ay maalintii u soo aadi jireen, magalada waxaa la saaray Bandow adag laga soo bilaabo bishii Febraayo ee sanadkaan, bandowgaas oo siday dadka reer magaladu sheegayaan ilaa hadda ay ku dhinteen dad gaaraya 40 qof.
Xilliga bandowga oo u dhexeeya 6:00 subaxnimo ilaa 11:00 barqanimo ayaa ah wakhtiga hawlaha dadku caadiyan ay qabsadaan, dadka ugu daran ee uu saameyey ayaa ah xoolo dhaqatada oo iyagu aan helin war sugan oo ku saabsan goorta iyo siduu yahay bandowgu, kuwaasoo badhtanka u gala goob markaas aan la ogolayn in la soo maro, waxayna taasi sababtaa in la dillo.
Dadkaan oo goobo fog fog ka yimaada si ay uga soo dukaamaystaan ayaa xilliga bandowga la qaado laga helaa bandowgaa, mid ka mid ah ehelada qof ku dhintay bandowgaas arbacadii ina soo dhaaftay ayaa Radio Ergo u sheegay “markii bandowga la qaaday ayaan maydka ninkaan oo ka yimid deegaan u dhow Buuloburde, ka helnay xaafada Xaawo Tako, muusan ahayn nin dagaal ku jira, war qabkiisa meesha waxa ka jirana ma badnayn annigu xitaa kama war hayn inuu Beledweyne soo aadayo”.
Sheekooyin la yaab badan ayey kuu sheegayaan dadka reer Beledweyne oo bandowgaasi keenay, mid ka mid ah macalimiinta ka hawl gasha iskuul ka mid ah kuwa degmada ayaa Ergo u sheegay sidaan “annigoo subax hore is iri intaan bandowgu bilaaban gaar goobtii waxbarashad ayaa qarax meel ii dhow ka dhacay, hadii wax dhacaanna qof kasta guriga ugu dhow ayuu gabaad nafta ula cararayaa, waxaan galay goob garaaj ah oo baabuurta lagu farsameeyo, farsamayaqaanadii aan u tegeyna waxay ii dhiibeen dube, dharkiina waxaa la ii mariyey oolyo iyo garaaso si aan la iiga garan, waana ku khasbanaaday inaan talooyinkaas raaco, waayo badbaada naftayda ku jirta”
Sidoo kale ardayda ayuu saameyey bandowgaani iyadoo saacaduhuu jiro ay tahay xiliyaday aadi jireen goobahoodii waxbarasho, waxaana jira arday in badan ku dhex godooma bandowga iyo falal amni darro oo dhacay.
Dhinaca maamulka degmada Beledweyne oo Ergo isku dayday inay la xiriirta ayaan suurto gelin, iyadoo odayaasha gobolkuna ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimahaan oo walaacoodu ay ku sii kordhayaan nolosha caadiga ah ee dadka.
A Salaad/MH