Xaalado nafaqa darri ayaa laga soo sheegayaa degmada Luuq ee xarunta gobolka Gedo,kaddib marki sida la sheegay ay yaraadeen cunnooyinka nafaqaysan ee samafalayaashu ay siin jireen gobolka,la keeni jiray gobolka.
Dadka ku nool gobolka guud ahan gaar ahaan degmada Luuq waa kuwa aad ugu baahan cunnada nafaqaysan gaar ahaan carruurta sidaana waxaa yiri mid ka mid ah hawl wadeennada caafimaadka degmada Luuq ee gobolkaasi Gedo.
Sidoo kale dadka ugu badan ee ay saamaynta ku yeelatay nafaqa darridan ayaa la sheegay in ay yihiin qoysaska ku soo barakacay degmada kuwaasoo u muuqda kuwa xaaladdooda caafimaadi aad u liidato.
Dr. Cabdullaahi Maxamed Faarax waxaa uu isna ka mid yahay howl wadeenada caafimaadka ee ka hawl gala cusbitalka degmada Luuq waxaa uu idaacadda Ergo u sheegay in bilo ka hor ay xaaladda nafaqadarida ee ka jirta degmad ay soo wanaagsanaanaysay laakiin hada ay heerka nafaqadarrida degmada tahay mid aad u liidata , taasoo ugu wacan ayuu yiri barakacayaasha halkaasi ku sugan oo aan iyagu helin gargaarkii ay u baahnaayeen.
“Heerka nafaqadarrida degmada Luuq waxay bartamahii sanadkii tagay gaartay meel xun, laakiin dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2011s illaa billowgii sanadkan xaaladu wey soo hagaagaysay , waxayse hadana u muuqataa ayaamahaan dambe in xaaladaha nafaqadarrida ee degmadu ku noqonayaan meelahoodii hore” sidaana waxaa yiri Dr. Cabdullaahi oo ka tirsan hawl wadeenada dhinaca caafimaadka degmada Luuq, isagoona intaasi ku daray in maalin waliba ay cusbitalka degmada ku qaabilaan laba ama in ka badan oo qabta nafaqadarri taasoo uu sheegay in ay muujinayso xaaladda nafaqa darrida ee ka jirta degmada iyo guud ahaan gobolka oo dhan.
Degmada Luuq oo kaliya maahan goobaha ay ku yaraadeen samafalkii loo samayn jiray barakacayaasha ee qeyba badan oo kamid ah gobolka Gedo ayaanay xilligaan ka jirin wax samafal ah oo la gaarsiiyo barakacayaasha .
Nuur Cali Faarax/AA/MH