Waxaa kor u soo kacaya muddooyinkii ugu dambeeyay dadka Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya waddanka Koonfur Afrika, kaddib markii ay isa soo tareen dhibaatooyinka kala duwan ay kala kulmayaan halkaasi.
Toddoobaadkaan gudihiisa waxaa Muqdisho ku soo laabtay illaa afartan ruux oo isugu jira caruur haween iyo rag kuwaasoo ka yimid meelo kala duwan oo dhinaca koonfureed ee qaarada ah, dadkaan oo la socday diyaarad ka soo kicitintay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya ayaa sheegay in ay ugu soo xiiseen dalkooda kaddib marki ay sheegeen in dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmeen dalkaasi.
Xasan Cabdullaahi waa suxufi madax banaan waxaana waddanka Koonfur Afrika uu ku noolaa ku dhawaad illaa laba sanadood, Xasan wuxuu qayb ka ahaa dadki ku soo laabtay toddobaadkaan gudaha Muqdisho, wuxuu idaacadda Ergo u sheegay in ay sii korortay dhibaatooyinka sinji nacaybka ah ee lagu haayo dadka Soomaalida ah ee ku nool waddankaasi.
“Runti Soomaalidu waxay ku tagaan wado tahriib ah oo dhib iyo qaxar badan, waxay sii maraan dalal Afrikaan ah oo ay kala kulmaan xarig, jirdil iyo dhac, marki ay tagaanna waxaa loo geystaa faquuq iyo nacayb, Koonfur Afrika Soomaalida waa lagu dilaa, ganacsigooda waa la boobaa, oo waa lagu gubaa taasina waxaa ugu wacan Soomaalida oo ah dad aad u fir fircoon kuna wanaagsan ganacsiga”.
Xasan ayaa intaasi ku daray in Soomaalida uu silic ku haysto isagoo yiri ”inta la qabto ayaa madaxa loo galiyaa baco kuwaasoo qaarkood ay ku dhintaan” “waxaan indhahayga saaray dad ku sigtay in ay dhintaan kaddib markii madaxa loo galiyay bac, si loo dilo, sidoo kale dhibaatooyinka Soomaalida Koonfur Afrika ay la kulmaan waxaa ka mid ah iyagoo lagu dhibo sharciga dhinaca dawladda, qolada wasaaradda arrimaha gudaha way joojiyeen bixinta sharciyada yaryar ee ay siin jireen dadka, kaasoo ay meelaha ku mar mari jireen”ayuu yiri Xasan oo sheegay in Soomaalida badidood ay hadda qorsheynayaan in ay isaga soo laabtaan waddankaasi maaddama lagu hayo sinji nacayb.
Xasan ayaa dhinaca kale sheegay in mar sii horreysay ay waddankaasi soo gaareen wafdi ka socda DKMG Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda kuwaasoo u gogol xaarayay siudii ay u furi lahaayen safaarad Soomaaliya ay ku yeelato dalkaasi taasoo Soomaalidu ay si weyn u soo dhaweeyeen.
Si kastaba ha ahaatee waddanka Koonfur Afrika waxaa ku nool Soomaali aan ilaa hadda tiro rasmi lahaga soo saarin ku waasoo u tagay magan galyo iyo ganacsi, balse waxay halkaasi kala kulmeen dhibaatooyin badan sida dilal dhac, iyo hanjabaadyo, waxaase muddooyinkaan dambe billowaday in Soomaali badan oo joogtay dalkaasi ay dib ugu soo laabtaan dalkoodii hooyo kuwaasoo sheegay in uu u dhaamo Koonfur Afrika.
Yusuf/AA