Qoysas dan yar ah oo ay soo barakiciyeen colaadaha iyo dirirta ka jirta qeyba ka mid ah gobolka jubbada hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dhoobley ee gobolkaasi ayaa laga deyrinayaa xaaladaha ay ku sugan yihiin.
Boqollaal qoys oo ka mid ah qoysas dhawaan soo gaaray degaanka Illima ee hoos taga degmada Dhoobley ayaa lagu soo warramayaa in xaaladdooda nolosha ay aad u liidato,iyadoo wali degaanadaasina ay ka taagan yihiin xiisado colaadeed oo u dhexeeya dhincyadii dhawaanahaan halkaasi ku dagaalamayay,degaanada hadda xiisadda ugu darani ka jirto ayay wararku sheegayaan in uu ka mid yahay degaanka Hoosungoow oo dhawr jeer hore ay dagaalo ka dhaceen.
Xaaladaha nololeed ee qoysaskaasi ka cabanayaan xilligaan ayaa ah Raashin la’aan, Hoy la’aan iyo sidoo kale dhibaatooyin kala duwan oo dadkaasi ka haysta adeegyada Caafimaadka ee ay u baahan yihiin.
Maxamed Aadan Suraa oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Degaanka Illima ayaa idaacadda Ergo u sheegay in guud ahaan xaaladda dadka danyarta ah ee ku nool tuulada hadii ay ahaan lahayd dhanka noolasha iyo dhanka caafimaadka ay aad u liidato, isagoona sheegay in hadii ay xaaladdu sidaan ku sii socoto ay dhalan karaan cudurro iyo macluul baahsan.
” Degaanka Illima dhib badan ayaa ka jira, qoysas badan oo kor u dhaafaya 350 qoys ayaa ku soo barakacay, baahi badan iyo caafimaad darro badan ayaa ka taagan, dadkii ka soo barakacay dagaaladii ka dhacay Hoosingoow ayaa ku soo barakacay xaalada noloshana ma fiicno,” ayuu yiri Maxamed Aadan Suraa oo Odayaasha deegaanka ka tirsan.
Si kastaba ha ahaatee dagaallo dadka danyarta ah ku qasbay inay guryahooda ka barakacaan ayaa waxa ay in mudda ah ka taagan yihiin qeybo badan oo ka mid ah galbeedka gobbolka Jubbada Hoose kuwaasoo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG oo gacan Militari ka helaya kuwa Kenya iyo Al shabaab, illaa iyo haddana ma muuqato rajo ay dadkaasi ka qabaan in ay dib ugu laabtaan degaanadii ay ka soo barakaceen maaddaama wali dhinacyadii dirirtu u dhexeysay ay isu hor fadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen.
Qadar Maxamuud Xareed/AA/MG