Barakacayaasha ku nool gudaha magaalada Laascaanood ayaa waxaa la soo dersay dhibaatooyin’ dhibaatooyinkan oo ay ugu daran yihiin dhanka hoyga nolosha iyo caafimaadka, waxay ka cabanayaan waxaa ka mid ah roobabka d`aya oo hoyga ay ku jiraan uusan ahayn mid u adkaysan kara xiliga uu roobku da`ayo.
Geesta kale dadkan ayaa waxay qabaan dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah iyo xanuunno wax laga qaban waayay, iyagoo aan heli karin dhaqaale ay ku geeyaan isbitaallada laascaanood dadka ka xanuusada, waxayna ka codsadeen guud ahaan umadda soomaaliyeed in laga caawiyo dhibaatdan haatan ay ku jiraan oo ay ugu sii daran tahay dhanaka hoyga.
Dadkan ayaa waxaa ka muuqata dhibaato badan oo dhanka nolosha ah, mana jiraan illaa iyo hadda wax la soo gaadhsiiyay oo caawino ah, inkasta oo ay jiraan hay`ado marmar wax soo gaadhsiiya. dadkan ayaa badankood waxay isgu jiraan dadka magaalad hore u dagganaa iyo barakacayaal ka soo qaxay koonfurta soomaaliya, waxayna ka codsadeen hay`adaha wax caawiya in caawinaad lala soo gaadho.
Mar uu u warramayay Raadiyo Ergo Aadana xasan oo ka mid ah barakacayaasha magaalada laascaanood ayaa wuxuu yiri: “Haddaan nahay dadkan qoxootiga ah waxa nahaysa saboolnimo daran manajiraan waxa aan cunno, aniga waxaan ka soo qaxay magaalada Baydhabo, halkan caawinaad kuma helno aniga hadda waxaan samaynayaa saambuus aan nolosha karaadsado, aniga iyo qoyskaygaba xaaladda aan hadda ku jirno waa mid aad u liidata waxaan ka codsannay hay`adaha gargaarka inay na soo caawiyaan.”
Sidoo kale warad Cabdi Xuseen oo u warramaysay Ergo ayaa waxay tidhi: “Annaga waxaan haysanno ma jirto, maalina waan helnaa waxaan cunno maalinna waan waynaa, aniga waxaan ahay hooyo deegaanka mana soo barakicin, laakiin nolol xumo ayaa nagu haysata magaalada laascaanood gudeheeda dhibaato badan baa nahaysa, marka caawino mahaysanno mana isoo gaadho caawinada la bixiyo waan maqlaa uun.”
Abdikarin Olol/FM