Koox hubeysan ayaa xalay gudaha xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dilay weriye Farxaan Jeemis Cabdulle, oo la shaqeynayay raadiyaha Daljir.
Weriye Farxaan ayaa isagoo dhaawac ah loola cararay cisbitaalka Gaalkacyo, halkaasoo uu ku geeriyooday. Marxuumka ayaa ka yimid goobtiisa shaqo wuxuuna u socday gurigiisa, markii nimanka hubeysan ay afar xabbadood ku dhufteen, sida uu sheegay Cabdifataax Cumar Geeddi, oo ah agaasimaha Raadiyo Daljir magaalada Gaalkacyo.
Iyadoo maanta 3-da bisha May ay ku beegantahay maalinta xorriyadda saxaafadda caalamka, ayaa waxaa weIi dalka Soomaaliya ka sii socda dilalka lagula kacayo saxafiyiinta ku nool gudaha dalka.
Farxaan ayaa noqday weriyihii labaad ee Gaalkacyo lagu dilay isla sanadkan gudihihiisa, 4-tii bishii March 2012, ayay haayd markii koox hubeysan ay toogasho ku dileen Cali Axmed Cabdi, oo la shaqeynayay Raadiyo Galkayo . 5-tii April, Mahad Salaad Aadan, oo Raadiyo Shabelle wakiil uga ahaa magaalada Baladweyne , ayaa isagana rag hubeysan ay ku dileen meel u dhow xadka u dhaxeeya magaalada baladweyne iyo dalka Ethiopia.
Tom Rhodes oo ah xiriiriyaha bariga Afrika ee ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta ayaa wareysi uu siiyay Raadiyo Ergo, wuxuu sheegay inay musiibo tahay in suxufi kale oo Soomaoli ah la dilo xilli maanta caalamka looga dabaaldegayo maalinta caalamiga ah ee saxaafadda xorta ah, waliba isagoo shaqadiisa gudanaya.
“Soomaaliya uma ahan maalin dabaaldeg, ma ahan , waxaanu mar walba sii maqlaynaa kiisas noocaan ah” ayuu yiri Tom.
Ugu dambeyntii Tom Rhodes ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin suxufiyiin badan ay dalka ka soo qaxa , si la mid ah sidii horey looga arkay suxufiyiin lagu qasbay inay ka soo qaxaan Muqdisho, laakiinse wuxuu tilmaamay inuu ku hanweynyahay inkastoo ay jiraan cabsigelin lagu hayo suxufiyiinta ay jiraan qaar badan oo ay ka go`antahay inay joogaan oo ay shaqadooda sii wataan.
FM/MG