27 March, 2012 NAIROBI
Xeryaha lagu barakacay ee k u yaalla deg Hodan ee magaalada muqdisho oo hoy u ah kumanaan qoys oo kamid ahaa kuwii abaaraha kasoo barakacay, iyo barakacayaal hor leh oo kamid ah dadka ka soo qaxaya xeryaha ku yaalla ku wadada Afgooye ayaa markii ugu horeysay lagu wadaa in si tijaabo ah dayartir loogu sameeyo, iyadoo xeryahaasina loo dhisi doono dhamaan adeegyada ay u baahanyihiin dadka barakacayaasha ah, sida goobaha laga dhaansado biyaha nadiifta ah , musqulo, daawooyin iyo guryo.
Cabdi Yuusuf oo ka tirsan hay’adda UNOCHA ayaa radio Ergo u sheegay in hada ay beesha samafalka ay ka tashanayso sidii marka ugu horeysa loo tijaabin lahaa dhisme lagu sameeyo xeryaha ku taalla degmada Hodan xili dhawaan la filayo inay curtaan roobabka xiliga Guga.
“ Waxaanu iskuduweynaa howshan oo ay iska kaashan doonaan beesha gargaarka oo ay kamidyihiin dawlada, hay’addaha UNka, Ngoyada, hay’addaha Turkiga iyo hay’addaha hoos yimaada ururka wadamada islaamka ee OIC-da si wax looga qabto ciriiriga ka jira xeryaha” ayuu sheegay.
Diduhabayntan ayaa waxaa ku jiri doona xarun weyn oo loogu talagalay in dadka xeryahaasi ay ka heli doonaan tasiilaadka ay u baahanyihiin.
Sarkaalkan ka tirsan UNOCHA ayaa sheegay in dhawaan socdaal ay ku tageen qaar kamid ah xeryaha magaalada Muqdisho ay ku soo arkeen ciriir badan halkaa oo uu sheegay in dadkii ay ka bateen goobahaas, iyadoo aysan ka jirin adeegyada nadaafada sida musqulaha.
Cabdi Yuusuf ayaa waxaa uu qiray in dadaal weyn laga gaystay sidii dadkaas loo badbaadin lahaa xiligii macaluusha balse hadda ay markale ka cabsi qabaan in haddii roobabka Guga ay bilawdeen ay xaalada dadkaasi ka sii dari karo. dagaal ka dhaca wadada Afgooye ayaa waxa uu sheegay in isna uu sababi karo barakac xoogan.
Mar uu ka hadlayay haddii hay’addaha samafal ay gacan ka gaysan doonaan mashaariic horumarineed oo loo sameeyo dadka barakacay ayaa waxa uu sheegay in markii la kala saaro dadka gaar ahaan kuwa sida iskood ah u laabanayo ay jiri doonaan barnaamijyo lagu taageerayo.
Falal amaan daro oo horaan uga dhacay qaar kamid ah xeryaha lagu barakacay eek u yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sababeen in haweenka barakacayaasha ah ee degan xerada rajo iyo Badbaado ay la kulmaan dhibaatooyin isugu jira Kufsi iyo bood loo gaystay kaalmooyinkii loogu deeqay.
Inkastoo ay jiraan roobab wanaagsan oo ka curtay gobolo kamid ah dalka, kuwaa oo sababay in dadbadan oo kamid ahaa barakacayaasha ay dib ugu laabtaan goboladii ay kasoo barakaceen ayaa haddana waxaa qaar kale oo badan ay iska go’aansadeen inay ku nagaadaan magaalada Muqdisho.
MG