Dhadhaab:- Kadib dagaalladii ka qarxay Soomaaliya sanadkii 1991-kii, waxaa ka dhashay barakac xoog badan kaasoo sababay in dad badan ay isaga soo cararaan guryahooda oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, badi dadkaasi waxay ku barakaceen oo dib u dejin looga sameeyay xerooyin qaxooti oo ku teedsan soohdinta kala qeybisa
Soomaaliya iyo Kenya, xerooyinkaasoo ay ka mid yihiin Xagardheer ,Ifo iyo Dhagaxleey oo ku yaalla deegaanka Dhadhaab ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ,iyo kuwo kale .
Xeerooyinkaas qaxooti ee ku yaalla soohdinta, ayaa waxaa hadda ku jira oo ku nool qaxooti Soomaaliyeed oo iyagu ka soo barakacay dagaallada ka soconaya Soomaaliya iyo sidoo kale waxa ku jira qaxooti horey ugu sugnaa xerooyinkaasi.
Macruuf Cabdi Cuma,r waa 38-jir haysta 27 carruur ah, wuxuu ka mid yahay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada qaxootiga Dhadhaab, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in isaga iyo carruurtiisuba ay ku nool yihiin xeradaasi, isagoo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee lagu aasasay xeradaasi sanadkii 1991-kii.
“Waxaan ahay Aabbe haysta illaa 27 carruur ah, iyo saddex xaas ah waxaan deggannahay aniga qoysaskeyga iyo hooyadayba hal meel halkaasoo aan ku wada cunno wixii aan soo helno, runtii dhammaan mas`uuliyadda qoyska aniga ayay i saarantahay, waxaan biilka reerka ka dabbaraa farmashi yar oo aan ku iibiyo dawooyin kaasoo aan ku dhex leeyahay isla xerada Dhadhaab gudaheeda.” Sidaa waxaa Ergo u sheegay Macruuf Cabdi Cumar.
Macruuf ayaa sidoo kale sheegay inuu muddo ka badan 20 sanadood ku soo dhex jiray hawlaha dhanka caafimaadka, isagoo sheegay inuu la soo shaqeeyay hay`ado dhowr ah oo ay ka mid tahay hay`adda Takhaatiirta aan xuduudda lahayn ”Runtii waxaa mahad iska leh Allaah, maaddaama uu isagu isiiyaay carruurtaan intaa la eg , isla mar ahaantaana uu isagu ii quudiyo, mana jiraan wax dhibaatooyin ama shaqaao ah oo iga haysta dhanka haweenka aan qabo, taasoo ay ugu wacantahay aniga oo reerahayga kula dhqama run iyo daacadnimo, sidaana waxaa ku jawaabay Macruuf oo aan wax ka weydiinnay sida ay ugu suura gashay in saddex haween ah oo xaasaskiisa ah uu hal goob ah wada dejiyo, isagoo aan haysanin hanti ku filan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo haysta qoysaska ku nool xeryaha qaxootiyada ee Dhadhaab, kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay sare u sii kacay waxaana dhibaatooyinkaasi ka mid ah xaaladda dhanka ammaanka ee xeryahaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay noqday kuwa aan la isku hallayn Karin .
Axmed/FM/AA/MH