BAY:- Qaarkamid ah qoysas dhowaan ka barakacay xiisadaha kajira deegaanno
katirsan gobolka Bay ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan
xaafadahooda kaddib markii deganaansho laga dareemay goobihii ay
lawareegeen ciidamada dowladda KMG oo ay wehliyaan kuwa itoobiya.
Qoysaska ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo laabteen degmada
Berdaale oo kamid ah goobihii ay ka barakaceen dadka deegaanka oo
kabaxsanayay dagaalada oo saamayn ballaaran ku yeeshay nolosha iyo
dhaq dhaqaaqa degmada.
Gudoomiyaha degmada Berdaale Yuunis Cali Dareen ayaa faafaahin ka
bixiyay tirada qoysaska ku soo laabtay guryahooda isgaoo xusay in
dadka ay yihiin kuwo doonaya in ay dib u bilaabaan noloshooda.
Wararka ka imaanaya degmada ayaa sheegaya in qoysaska soo laabtay ka
sokow ay jiraan xaalado adag oo soo wajahay boqolaal barakacayaal ah
oo deegaankooda uga barakacay xiisadaha kajira gobolka Bay.
Ashtako ku aadan biyo la’aan iyo cunno yari ayaa kamid ah waxyaabaha
ay ka cabanayaan qoysaska oo ay u badanyihiin haween iyo caruur oo ah
kuwo unugul dhibaatooyinka dhacaya.
Dhalinyarada deegaanada ayaa badankood u barakacay magaalada Muqdisho
iyadoo aannu jirin hay’ado taageeraya dhamaan qoysaska ay saameeyeen
dagaalada kuwaasi oo u muuqanayey kuwo kasoo kabanaya abaaraha ku
dhuftay gobolada koonfur galbeed Soomaaliya.
Ciidamda la wareegay deegaanno katirsan gobolka Bay ayaa degmooyinka
Baydhabo iyo Berdaale ka sameeyey hawlgallo lagu soo qab qabtay dad
rayid ah kuwaasi oo arimo kala duwan lagu eedeynayo.
Gudoomiyaha degmada Berdaale ayaa sheegaya in maamulkiisa uu sii
daayay dad lagu soo qabtay hawlgallada ay sameeyeen ciidamada kusugan
degmada berdaale.
Duleedka degmada waxaa fariisinno ciidan ka sameystay ciidamo katirsan
itoobiya hasee yeeshee waxaa aad u kooban dadka barakacay ee ka soo
laabanaya barakacii dhowaan ay uga baxeen deegaanadooda.
Xaaladaha bini aadannimo ee kajira gobolada Bay iyo Bakool ayaa ah
kuwo aad u liita waxaanna dadka ay lakulmeen colaad iyo barakac
haattan dib saamayn ugu yeeshay qoysaska oo markii hore
dhibaataysanaa.
Sidoo kale xaaladda qoysas ku barakacay qeybo kamid ah gobolka Bakool
ayaa laga dayrinayaa xaaladaha noloshooda kaddib markii degmada xudur
iyo deegaanno kale ay isga baxeen dadkii ku noolaa, goobaha dadku ay
ku dhibaataysanyiin waa dhulka baadiyaha oo ay adagtahay in adeeg
caafimaad iyo mid nololeed laga helo.
Xaaladda gobolka Bakool ayaa ah mid deggan kaddib xiisado halkaasi
kajiray maalmihii ugu dambeeyay balse waxaa duleedka magaalada xudur
isku horfadhiya ciidama dowladda iyo kuwa al-shabaab.