Dhadhaab:- Waxaa lagu soo gebagebeeyey xarunta ICC ee Hagardheer Youth Umparella xaflad qalin jebin ah oo loo sameeyey labatan iyo sideed arday oo baranayay mudo billo ah culuumta laxariirta isticmaalka barashada aalada casriga ee cumputarka kuwaas oo isagu jiray, wiilal iyo gabdho. Munasabada ayaa waxaa ka sooqeyb galay qaar kamid ah wakiilada hayadaha UNHCR, DRC, Save the Children, CARE, DRA oo dawlada Kenya uqaabilsan arrimaha qaxootiga iyo qaar badan oo ah hogaanka bulshada rayidka walidiin iyo dhalinyarada.
inta badan waxa halkaas ka hadly wakiillada haayadaha gar garka fadhigoodu yahay xeradaas waxayna sheegeen baahida loo qabo sare u qaadida tayada aqooneed ee dhalinyarada,
Laakiin haweeneey lagu magacaabo Sarakamow oo wakiil ka ahayd hayada DRC oo iyadu bixisay tansiilaadka waxa ku baxay barnaamijkaas ayaa sheegtay n tani ay ahayd tijaabo balse ay muhiim tahay inay sii socdaan dadaalada lagu horumarinayo tayada dhalinta, waxayna tibaaxday dhanka kale in dhalinyarada waxay barteen ay kudabaqaan naftooda ayna u gudbiyaan bulshada inteeda kale.
Qaar kamid ah hogaanka bulshada qaxootiga ayaa ku amaanay dadalka ururka dhalinyarada Xagardheer balse uga digay wax kasta oo keenaya daganaasho la ,aan iyo isku dhacyo loogana baahan yahay inay ka qayb qaataan dadaalkasta oo wax ku ool ah.
Nuur Tawane Hilawle oo ah gudoomiyaha isku xirka dalada dhalinyarada Xagardheer ayaa sheegay in ay haystaan toban cumputar oo keliya iyo labo macalin taasina aysan ku filnayn dhalinta u diiwaan gashan, isagoo intaas ku daray in hada ay wax barasho bilaabeen todobaatan iyo sideed arday oo ah dufcadii labaad wuxuu ugu danbeeyn ka codsaday hayadaha QM ee ka hawl gala xeradan inay laba laabaan barnamijyada horumarineed ee dhalin yarada loo samaynayo maadaama ay ku haysato xeryaha qaxootiga duruufo kala gedisan. Shahaadooyinka lasiiyay ardaydan ayaa waxaa baxshay macad fadhigiisu yahay NBI oo lagu magacaabo {CSK}
Mar ay waraysatay idaacada Ergo qaar kamid ah dhalinyarada kaqalin jabisay macadka ICC ee Xagardheer dareenkooda ayey sheegeen siday ugu faraxsan yihiin, iyagoo sheegay sidoo kale inay ugud binayaan macluumaadkan ardayda kale ee aan fursadan oo kale helin.
Xeryaha qaxootiga dhadaab ayaa waxaa ku sugan kumanaan dhalinyaro oo mudo dheer ku noolaa xeryahaas iyo kuwo waqtiyo dhexe joogay oo intooda badan aysan hayn wax shaqo ah halka qaar badan oo dhamaystay tacliinta dugsiyada dhexe/sare ay bagamuudo ku yihin xeryaha, iyagoonna helin xirfado u sahli kara inay ku shaqaystaan si ay u daboolaan duruufaha nololeed ee haysta, waxaase jira tiro yar oo shaqeysa kuwaas oo xitaa qudhooda mushaarooyinka ay qaataan aysan dabooli karin baahidooda.
Farhaan/MH