BAY:- Kaddib dagaallo saamayn ku yeeshay dadka rayidka ah oo ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Bay, ciidamada dowladda oo ay wehliyaan kuwo Itoobiyaan ah ayaa la wareegay gacan ku haynta Baydhabo oo seddex sanno ay maamulaysay Al-shabaab.
Ciidamada ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegay Baydhabo iyadoo aannu jirin iskahorimaadyo dhexmaray dhinacyada maalmihii ugu dambeeyay ku hardamayay gobolka Bay.
Saraakiil katirsan dowladd kumeel gaarka oo lahadlay idaacadda Ergo ayaa sheegay in markii ay la wareegeen magaalada Baydhabo ay saldhigyo ka samaysteen daafaha magaalada iyadoo ay koobnaayeen dadka isugu soo baxay bartamaha magaalada markii ciidanka gudaha ay soo galeen.
Hawl gallo kooban oo lagu sheegay kuwo amaanka lagu sugayo ayaa ciidamo katirsan dowladdu waxay ka sameeyeen xaafado katirsan Baydhabo iyadoo hawlgallada lagu qabtay tiro dad ah oo ciidanku ay ka shakiyeen sida goob joogayaal ay noo xaqiijiyeen.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in aannu jirin dad ay qabteen ciidamadooda balse ay ballaarin doonaan saacadaha soo socoda awooddooda maadaama wali ciidamadooda ay yihiin kuwo ku sugan daafaha magaalada iyo xeryaha ciidamada.
Bulshada ku dhaqan caasimadda gobolka Bay ayaa wallaac ka muujinaya saamayn ay ku yeeshaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada xulufada ah ay samaynayaan iyadoo ay jiraan dhallinyaro badan oo isaga barakacay magaalada ka hor inta ciidamadaasi aannu soo gaarin qeybo kamid ah gobolka.
Magaalada Baydhabo ayaa xaalad bandow ah lagu soo rogay habeen nimadii xalay iyadoo ay aad u koobnaayeen dhaq dhaqaaqyada bulshada iyo isu socodka gaadiidka.
Intabadan bulshada ku sugan magaalada ayaa ah kuwo ka war dhowraya tallaabada ay qaadi doonaan ciidamada la wareegay maamulka.
Wax garaka magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in la badbaadiyo shacabka iyagoo sheegay in muhiim ay tahay in isbedelkan uu keenno badbaadada shacabka. Barafisoor Ibraahim Muuse Heerow ayaa baaq u jeediyay shacabka iyo ciidamda dowladda isagoo saraakiisha ugu baaqay in la daryeello dadka rayika ah islamarkaasina la badbaadiyo xoolahooda.
Xaaladda Baydhabo ayaa ah mid degan maanta iyadoo xalay ay jireen kulamo amaanka looga hadlayo oo ay yeesheen saraakiisha ciidamda hogaaminaysa.
Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo barakac kaddib markii ay gaareen ciidamada Al-shabaab ee isga baxay deegaanno katirsan gobolada Bay iyo Bakool.
Barakac ka jira degmada Diinsoor ayaa imaanaya xilli xaalado adag iyo colaado ay maalmihii ugu dambeeyay kajireen deeganada gobolka waxaa sidoo kale dareen midkaasi lamid ah uu ka taaganyahay degmooyinka Ufurow, qansaxdheere iyo buurhakaba.
Dhibaatooyinka bini’aadannimo ee soo wajahay dadka rayidka ayaa imaanaya xilli qoysas dhibaataysan oo abaarro ay saameeyeen ay dhowaan ku laabteen deegaanadooda balse qoysaska ayaa hadda la kulmaya barakac iyo xiisado kale oo saameeya noloshooda.
Cabdicasiis Koranto/MH