Oxfam oo baaq u dirtay shirka London

0
104

Nairobi:- Hay`adda gargaarka ee Oxfam, ayaa ugu baaqday waddamadda ka qayb gelaya shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya laguna qabanayo London maalinta berri ah oo taariikhdu tahay 23ka Febraayo, inay awoodda isugu geeyaan hannaan is faham keenana in wada jir ah, oo wax loogu qabto si loo hormariyo ammaanka waddanka kaasoo dan u ah bulshada Soomaaliyeed.

Hadal qoraal ah oo Oxfam ugu hal qabsatay “danta umadda Soomaaliyeed waa in laga hormariyaa wax kasta,” ayey ku sheegtay warbixintaan in la gaaray wakhtigii bulshada caalamku ay tallaabooyinkooda mideyn lahayd, kuwasoo horay u kala tagsanaa muddooyinkii badnaa ee la soo dhaafay. Marka laga soo tago dib u dhiska loo samaynayo waddanka, fara gelinta ciidan ee
socota waxay sii adkaynaysaa arrimaha bani`aadannimo waxayna niyad jebinaysaa dadaalka bulshada caalamku wadaan ee soo kabashada ah.

Waa waqtigii shirka London lagu dhisi lahaa aragti cusub oo Soomaalida mustaqbalkeeda iyo baahideeda wax loogu qaban lahaa loona siin lahaa fursado ay ku wada hadlaan kuna gaaraan hannaan ku dhisan is faham oo keena nabad waarta iyo dariiqa dib u dhiska waddankooda, ayey tiri Barbara Stocking oo ah madaxa hay’adda Oxfam, iyadoo ku boorisay ka qayb galayaasha shirka London inay hoosta ka xarriiqaan fursadaha jira ayna gacan ka gaystaan raadinta xudunta colaadda Soomaaliya laguna midayn lahaa dhammaan figradaha iska soo horjeeda ee ay aaminsan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Oxfam, waxay ku tilmaantay shirka London fursad waddanka gaarsiin karta marxalad xasilooni iyo dib u dhis lagu gaari karo, haddii tallaabooyinka siyaasadeed, xal doon iyo dib u dhis la mideeyo lana joogteeyo gargaarka caalamka ee lagama marmaanka ah, arrimahaan oo gacan ka geysan kara hannaanka badbaadinta nafaha iyo caawinta dib u soo noolaynta mustaqbalka dadka Soomaaliyeed si arrimahaan loo gaarana waxaa waajib ah in la caddeeyo doorka siyaasadeed iyo nabad dhalineed ee la wado.

Oxfam waxay tibaaxday inkastoo mas`uuliyadda koowaad ay saaran tahay Soomaalida siii ay uga gudbi lahaayn colaadaha socda mudda ku dhow rubuc Qarniga, haddana waxaa la gaaray waqtigii bulshada caalamku ay xaaladda u wajihi lahaayeen si dhab ah. Iyadoo waddamo badan ay waqtigaan ciidamo u soo direen Soomaaliya, ayaa hawl gallada ay wadaan xoogaa keentay in ammaanka qaybo badan oo wadanka ah iyo waddamada deriska la ah Soomaaliya soo hagaagaan, laakiin waxaa jira warar kuwaas ka geddisan oo qaybo gudaha waddanka ah ka imaanaya, hay`adaha gargaarka ee taakulaynaya dadka dhibaataysan ayaa dhibaato kala kulmaya dhinacyada dagallamaya, Oxfam ayaa warbixinteeda ku soo geba gebaysay “guusha shirka London wuxuu ku xiran yahay sida ay wax ku ool u noqdaan waxyaabaha ka soo baxa”.

MH/MG/FM

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here