Berdaale:- Degmada Berdaale ee gobolka Bay, ayaa saaka ah mid haawanaysa ka dib markii inta badan qoysaskii ku noolaa deegaankaasi ay ka barakaceen sababo la xiriira dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolka Bay, oo ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.
Qoysaskii ugu badnaa ayaa gelinkii dambe ee shalay illaa iyo xalay ku barakacayay deegaanno dhinaca koofuureed iyo galbeedka kaga beegan magaalada Baydhaba, waxaana degmada ku sugan dad fara ku tiris ah oo awoodi waayay inay ka baxaan deegaanka oo xiisado ay ka jiraan.
Faadumo Cali oo ah hooyada lix carruur ah isla markaasina soo toostay saaka iyadoo haawanaysa degmada Berdaale, ayaa raadiyaha Ergo u sheegtay in aysan garananaynin meel ay u barakacdo waxaana ay muujisay walaaca ay ka qabto dagaallada saamaynta ku yeeshay dadka oo ka soconaya gobolka Bay.
In ka badan 1500 oo qoys ayay hooyo Faadumo sheegtay inay ka barakaceen degmada kuwaasi oo badankood gaaray tuulooyin ku dhow Berdaal,e oo uu ka mid yahay deegaanka Shiidka loo yaqaanno oo ay gaareen qoysaskii ugu badnaa.
Ciidamada dowladda federaalka, ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin deegaanka Hawlaha guud oo qiyaastii 5km u jira degmada Berdaale, halkaasi oo xalay ay soo gaareen ka dib markii shalay dagaallo ay la galeen ururka Al-Shabaab.
Lama oga tirda dadka rayid ah ee ku geeriyooday dagaalladii shalay, balse dhinacyada xiisaduhu ay u dhaxeeyaan ayaa sheegay inay dhinteen in ka badan 10 ka wada tirsanaa kooxaha dagaallamaya.
Guddoomiyha degmada Berdaale, Yuunis Cali Dareen, ayaa Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegay in saaka ay la wareegi doonnaan degmada isagoo ugu baaqay shacabka inay ku soo laabtaan aqalladooda.
Xaaladda deegaannadaasi ayaa sii adkaanaysay maalmihii ugu dambeeya,y tan iyo markii ay billowdeen xiisadaha gobolka waxaana guud ahaanba aan jirin adeegyadii bulshada, dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo waxbarashada.
Tuulooyin ku dhow deegaanka Hawlaha guud, ayaa lagu soo warramayaa inay ka barakaceen in ka badan 100 qoys kuwaasi oo gabbaad ka raadiyay dhulka baadiyaha ah oo ka fog goobaha lagu dagaallamayo.
Goob jooge ku sugan howlaha guud oo magaciisa iigu soo koobay Maxamed, ayaa sheegay in qoysas uu ku qiyaasayo 100 qoys ay barakaceen deegaanka uu ku suganyahay.
Barakacii ugu badnaa ayaa ka soconaya deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Bay, halkaasi oo sanadihii ugu dambeeyay ay ka talinayeen ururka Al-Shabaab.
Marka laga soo tagao barakaca degmada Berdaale, waxaa shalay ka dhacay qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay taasi oo ay ku geeriyoodeen illaa 6 ruux, iyadoo 11 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka ku dhintay miinada qaraxday waxaa qayb ka ahaa haweenay ganacsato ah oo ku sugneyd goob laga raaco gaadiidka oo miinadu ay ku qaraxday.
Si kastaba xaalado kacsanaan ah ayaa ka jira guud ahaan gobolka, waxaana sidoo kale barakaca uu ka billowday degmada Baydhabo.
Ururka Al-Shabaab, ayaa guud ahaan mamnuucay dhaqadhaqaayadii dugsiyada waxbarasho, ganacsiga iyo adeegyada kale iyagoo ku baaqay in lala dagaallamo ciidmada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo ku sugan goob Baydhabo u jirta 65 km.
Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo, ayaa walaac ballaaran ka muujinaya xiisadaha gobolka, iyadoo qoysaska qaar ay u barakaceen tuulooyin ku dhow magaalada.
Goob jooge ku sugan Baydhabo, ayaa sheegay in aanu jirin dhaq dhaqaaqyada bulshada oo magaaladu ay tahay mid bandow ah.
Isku soo wada duuboo lama oga sida ay ku dambeyn doonaan xaaladaha deegaannada gobolka Bay
Cabdicasiis Koronto/MG/FM