Dhadhaab:- Iyadoo qaxootiga soo galaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Woqooyi bari Kenya ay soo badanayaan, ayaa haddana waxaa lagu soo warramayaa in xeryahaasi ay ka jiraan xaalado biyo la`aaneed oo soo noqnoqday.
Xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa biyo la`aanta ka jirta waxay saameyn ku yeesheen dadka ku nool halkaasi. Oday waayeel ah oo gacmaha ku sitay labo jirgaan oo toban qaad ah, kuna sugnaa Section (M) oo xeradaasi Xagardheer ka tirsan oo xaaladda biyo la`aaneed uga warbixiyay Raadiyo Ergo ayaa wuxuu yiri “ Biyo la`aan baa jirta, dadku waa ooman yahay meelihii biyaha laga heli jirayna lagama helo hadda. Waxaa arrintaasi sababtay dadka oo aad ugu batay xeryaha.”
Haween qaarkood umul ahaa, oo iyaguna caagag badan oo ay biyo ku doonayeen sitay ayaa ka warramaya biyo la`aanta heysata “ Siddeed iyo labaatan beri baanu biyo la`aan ahayn, markaan hadda helnayna waa ciriiri oo dadkaa ku badan xerada, wasakhda iska dhaqno biyo nadiif ah oo aan cunto ku karsannana ma heysanno.”
Falalka ammaan darrada ah ee muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo kordhayay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa loo aaneynayaa inay hoos u dhigeen adeegyadii bulshada ay u qaban jireen hay`adaha gargaarka oo qaarkood isaga baxay halkaasi ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalahooda afduub loogu geystay gudaha xeryahaasi.
Farxaan Xasan Lafoole/FM