Ceelasha Biyaha:- Barakac xooggan ayaa wali ka soconaya degaannada loo barakacay ee ku yaalla inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye, deegaannada ugu badan oo ay dadku billaabeen inay isaga barakacaan waxaa ka mid ah Ceelasha biyaha, Km13, Garasbaalley, Calamada iyo degaanno kale oo ku yaalla nawaaxigaas, waxaana ay qoysasku ku barkacayaan gaadiidka xamuulka qaada, qoysas kale ayaa iyaguna cagahooda maalaya.
“Waxaan ku suganahay xaalad aad u cabsi badan, dadkuna waxay billabeen inay firxadaan, inta badan dadku ma haystaan qorsho ku salaysan barkacooda iyo halka ay beegsanayaan, badi dadku waa masaakiin aan haysan meel ka horreysa iyo hooy ay ku tashanayaan.” Sidaa waxaa Raadiyo Ergo u sheegtay Faaduma Maxamuud oo ka tirsan dadka ku nool deegaanka Ceelasha biyaha, Faaduma ayaa intaasi sii raacisay “Xalay iyo habeen hore waxaan ku seexannay cabsi, ma jirto meel aan ka baxno waddadii aadi jirtay Xamar way go,antahay oo waxaa deggan ciidamo iska soo hor jeeda, waxaa jira gaadiid ka soo wareeganaya Afgooye oo sii maraya dhankaas iyo Shabeellada dhexe, halkaana Xamar ka soo galaaya midkaasina waa qaali oo waxaa lagu raacayaa illaa lacag gaareysa $ 300, waan yaabannahay runtii waxaan codsanaynaa in colaadda nalaga joojiyo.”
Dadkaan ka barakacaya deegaannada barakacayaasah ee ku qulqulaya magaalada Muqdisho, ayaa iyagu isugu jira kuwo noloshoodu ay aad u hooseyso iyo qaar kale oo iyagu noloshoodu ay dhex dhexaad tahay , dadku waxay lugeynayaan waddada hareeraheeda, qaarkood waxay dusha ku sitaan carruur yar yar iyo maacuun, qaar kalana waxay diyaarsadeen gaadiid ay ku guuraan, maamulka islaamiga ah ee ka taliya degaannadaasi ayaa u sheegay shacabka inay is dejiyaan barakacana ay joojiyaan, hase yeeshee cabsida haysata dadka ayaa ka dhigtay amarka mid ay dadku u dhega nuglaan wayaan .
Deegaanka km13 waxaa habeennadii ugu dambeeyay ku soo dhacayay madaafiic ay soo tuurayeen ciidamada midowga Afrika ee soo degay nawaaxiga Sar kuusta, taas ayaana ah mida keentay in dadku ay ku sii nagaadaan degaannadooda.
Si kastaba ha ahaatee deegaanka oo ay ka jirto cabsi lixaad leh ayaanay imika ka jirin wax rasaas ah oo ay dhinacyadu is weydaarsanayan, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inay iska hor imaadyo iyo duqeymo madaafiic ah ay ka dhacaan halkaasi.
Cabdisamad Cabdulqaadir/MG/FM