Kumannaan dad ah ayaa dhintay malaayiin dheeraad ah oo doollarna waa la qarash gareeyay sababtoo ah beesha caalamka ayaa ku guul darreysatay inay tallaabooyin la taaban karo ka qaaddo qeylo dhaannadii hore ee baahida ka jirtay Bariga Afrika, sidaa waxaa warbixin cusub oo ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay hay`adaha caalamiga ah ee Oxfam iyo Save the Children.
Warbixinta oo cinwaan looga dhigay, Dib u dhac khatar ah, ayaa lagu sheegay in dhaqanka ah xisaabinta heerka ay gaarsiisantahay baahida jirta ay keentay in dib u dhac muddo lix bilood ah uu ku yimaado howlihii gargaarka, sababtuna ay tahay in hay`adaha gargaarka iyo dowladahaba ay aad u yareyd qaabkii ay uga jawaab celiyeen baahiyihii jiray.
Qeylo dhaanta habka ka sii digista abaaraha ayaa la diray horraantii bishii August 2010, balse waxaa si buuxda qeylo dhaantaasi looga jawaab celiyay bishii July 2011, markaasoo xaaladaha macluul ee ka jiray qeybo ka mid ah gobolka ay ka baxeen xadkii wax looga qaban lahaa, sidoo kale saxaafadda ayaa iyadana door weyn ka ciyaartay shaacinta gaajada iyo abaaraha ka dhacay Bariga Afrika.
Save the Children iyo Oxfam ayaa ku baaqay in qarash badan loo raadiyo qeybinta cunnada si deg deg ahna waxna laga qabto, ka hor inta aysan xaaladdu ka sii darin. Hay`adahan ayaa ugu baaqaya dowladaha inay sii laballaabaan ka jawaab celintooda cunno yaraanta, si loo dhammeeyo gaajada.
“Dhammaanteen wax baanu ku leennahay mas`uuliyadda dib u dhacan khatarta ah, taasoo galaafatay nolosha dad badan oo ku noolaa Bariga Afrika, waxaana u baahannahay inaan ka jawaab celinta soo daahda aan cashar ka baranno,” sidaa waxaa tiri madaxa joogtada ah ee Oxfam Barbara Stocking. “Waa wax argagax leh in dadka ugu saboolsan ay weli u dulqaadanayaan guul darrada ka jawaab celinta baahidooda. Waxaan ognahay in wax ka qabashada deg degga ah ay badbaadineyso nolosha dad badan, balse in la ururiyo heerka baahida jirta ay taasi ka dhigan tahay in hay`adaha gargaarka ay ka cago jiidayaan inay lacag qarash gareeyaan illaa ay ka ogaadaan in cunno yaraan daran ay jirto.” Ayay Barbara hadalkeeda sii raacisy.
“Ma oggolaan karno in xaaladdan ay sii socoto, taasoo dunida iyadoo og in xaalad deg deg ah ay jirto ay iska indho tireyso illaa ay ka hor yimaadaan sawirrada carruurta macluulsan ee TV-yada laga sii daayay,” sidaa waxaa yiri madaxa joogtada ah ee Save the Children Justin Forsyth.
Iyadoo tallaabooyin habboon ay qaadeen dowladaha, sida inay horumariyeen hannaanka qeylo dhaanta iyo ka sii digista iyo difaacidda bulshada, kuwaasoo looga gol lahaa in qoysaska la siiyo taageero hore– balse intaas in ka badan ayaa gobolka looga bahnaa.
Inkastoo aan si sax ah loo xisaabin Karin tirada dadka ku dhintay abaaraha, dowladda Ingiriiska ayaa ku qiyaaseysa in inta u dhaxeysa 50,000 iyo 100,000 oo dad ah ay dhinteen bilihii April iyo August 2011, in ka badan kala bar dadkaasi oo carruur ahaa ay dad`doodu ka hooseysay shan sano, maanta Soomaaliya waa dalka cunno yaraanta ugu badan caalamka ay ka jirto, iyadoo boqollaal kun oo dad ahna ay khatar ku jiraan.
Tallaabooyin hore loo qaaday ayaa jiray balse baaxadda cunno yaraanta jirtay ayaa ka sara maray dadaalladaasi. Sidoo kale in la dhaqaaleeyo qarashka la bixinayo ayay ahayd, sida maalin walba shan litar oo biyo ah in loo qeybiyo dad gaaraya 80,000 oo qof oo ku nool Itoobiya oo ay ku baxday $3 milyan oo doollar muddo shan bilood ah, waxaa loo barbar dhigi karaa $900,000 oo doollar si ilaha biayaha loogu diyaariyo abaaraha soo socda.
Gudaha Bariga Afrika, in taageero markiiba la siiyo qoysaska si ay caafimaadka xoolahooda u dhowraan sidoo kalana ay suuqdayad shaqeeyaan ayaa looga hortagi karay xaaladaha macluul, iyadoo bolollaal kun oo qof ay waayeen xoolahooda ka dib markii ay ku le`deen abaaraha.
FM